Hoggaamiyeha Al-QAACIDA Oo Farriintii Ugu Adkayd U Diray Kooxda Al-shabaab, Kuna Dardaaray Hawl-gallo Ay Ku Bar-tilmaameedsadaan Xukuumadda Muqdisho
July 3, 2016 - Written by Berbera Today
“Waxaan ku boorinayaa Walaaladayda Mujaahidiinta ah inay la dagalaaman kuwa Murtadiinta ah ee Dhulka keenay Gaalada ka shaqeeya hagardaamada dadka ku nool dhulka Soomaalida ee Islaamka ah..” Sheekh Ayman Al Dawaahiri
Muqdisho(Berberatoday.com)-Hoggaamiyeyaha Ururka Al-Qaacida Sheekh Ayman Al Dawaahiri, ayaa farriin adag u soo diray Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira Ciidammada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, waxaanu sheegay inuu ku hambalyeynayo Hawl-gallada ay ka wadaan Muqdisho.