berberatoday.com
Khaladaadka Warqaadii been abuurka ee Rooda, Xadgudubyadda uu Faysal kula Kacay Maayirka Berbera, Badhasaabka, Taliyaha oo uu Amar siiyey+ Been Abuuradka ah inay Xukuumaddu Burburinta Ucid kula Socoto+ Quudhsiga Guddida Diiwaangelinta Iyo Guddida Xisbiga ee Gobol Saaxil
July 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Warqadii Faysal Cali Waraabe sheegay inuu Xilka kaga qaaday Gudoomiyihii Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin, shalay oo ay Taarikhdu ahayd 2-dii july. Waxay ahayd mid sharciga iyo Xeerka Xisbiga gees marsan, Taasoo ay ka muuqatay khaladaad sharci iyo Xadgudubyo uu kula galgashay

Warqadii Faysal Cali Waraabe sheegay inuu Xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin, shalay oo ay Taarikhdu ahayd 2-dii july. Waxay ahayd mid sharciga iyo Xeerka Xisbiga gees marsan, Taasoo ay ka muuqatay khaladaad sharci iyo Xadgudubyo uu kula galgashay Masuuliyiin ka Tirsan Hayaddaha Xukuumadda, sida Maayirka Magaaladda Berbera, Badhasaabka Gobolka Iyo Taliyaha Booliska gobolka Saaxil. Kuwaasoo uu Faysal Cali Waraabe ku socod siiyey Og.

Talaabadaas amarka ahayd ee Faysal faray Masuuliyiinta Xukuumadda kuna ogeysiyey waxay ahayd mid gabi ahaanba Sharciga baalmarsan, taasoon hore u dhicin inuu ficil kaasoo kale ku kaco Gudoomiye Xisbi Mucaarid, amarna siiyo sida ay shaqaale u dirtay yihiin Masuuliyiin Xukuumadda u jooga Gobol, waxana sida ka muuqatay Xilka qaadista uu sheegay inuu ku sameyey Xubin Xisbiga ah. Arrinkaa uu Faysal Cali Waraabe Saddexda Masuul ku ogeysiinayey Warqadda uu sheegay inay ahayd Xilka qaadista, waxay muujinaysaa inuu gelinaayo Danbi aanay gelin Xukuumaddu oo uu dusha ka marmarinaayo Masuuliyiinta heer gobol.

Teeda kale, khaladaadka iyo Xadgudubyadda aan Xeerka Xisbiga Ucid Waafaqsanayn ee ka muuqday Warqadii Faysal Cali Waraabe waxa kamid ah, inuu iska indho tiray Xeerka Xisbiga iyo sidoo kale xuquuqdii iyo waajibaadkii ay lahaayeen Guddida Degmada Berbera ee Xisbiga Ucid. Waxana Xilka qaadista Gudoomiyaha Xisbiga ee heer gobol xaq u leh inay doortaan ama xilka ka qaadan, Guddida Degmada ee Xisbiga kuwaasoo ku ridaya Cod Hal dheeri ah, kuna dooranayaa. Waxa kaloo, khaladaadka Faysal Cali waraabe ee Warqadiisan Sharci jebinta ah ee uu kula kacay Xisbiga Masuuliyiintiisa iyo qaab dhismeedkiisa waxa kamid ah, Faysal haba ya’reetee waxa uu xaqiray gabi ahaanbaa Karaamaddii uu Xeer Xisbiga iyo shuruucdoodi siisay Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga Sida Gudoomiye ku xigeenadda, guddida Fulinta, Hoggaanka sarre ee Xisbiga, intaas oo dhan midna kumu sheegin Xilka qaadista uu sheegay.

Sidoo kale, waxa dhacdo cusub ku ahayd oo aan Looga baran Hoggaamiyaasha asxaabta Mucaaridka ah ee Xilka qaadista aan sharciga Waafaqsnayd ee Faysal Cali Waraabe sheegay inuu sameeyey ahayd. Kaddib markii ay Mucaaridday Xukuumadda, oo ay igga soo ashkatootay Wasaaradda arrimaha Dibedu, iyaddoo ay kasoo cabatay Shirkadda Imaaraadku ee DP WORLD.

Weedhahaasi waxay Xadgudub ku yihiin sheegashadda uu Faysal Cali Waraabe sheeganaayo inuu Gudoomiye ka yahay Xisbi Mucaarid ah, isaggoo mar kale duudsiyaaya xuquuqdii Masuuliyadeed ee ilaalinta nadaamka asxaabta ee Xukuumadda oo marka uu leeyahay waxa iga soo ashkatooday Wasaaradda arrimaha Dibeda, ma jirto waayo Xukuumaddu waxay ogoshay dhaliisha uga timaada Asxaabta Mucaaridka ah, maadaama oo dalkeenu yahay mid Dimuquraadi ah.

Geesta kale, waxa uu Faysal Cali Waraabe xaqiray Hay’addaha Qaranka ee iyagguu u xilsaarnaa kala saarista murannada sharciga ah ee soo kala dhex gala Asxaabta Mucaarid ah, waxanu dheggaha ka furaystay oo uu ku Xadgubay Guddida ka garnaqaysay Khilaafka hadheeyey Xisbiga Ucid oo ay Dacwadooda qaadeen, isla markaana aanay weli kasoo saarin wax go’aan ah, waxanu Faysal tiraba shan ama afar jeer kula kacay Xadgudub amar diido ah, isagoo digniintii ay u jeediyeen dheggaha ka furaystay, halka dhinicii kale weli aanu qaadin wax tallaabo ah, iyaggu ku ixtiraamaya Masuuliyadda qaran ee ay hayaan, kuna xaq dhawray amarkii kasoo baxay. Waxana guddida looga fadhiyaa laba arrimood, oo kala ah inay amardiidooyinkiisaa quudhsiga ah ay Ciqaabteeda mariyaan, kuna soo roggaan Ganax, ama inay degdeg Xukunka usoo saran, waxa ay ka yeelayaan Faysalna ay ka yeelan.

Si kastaba ha ahaatee, Faysal Cali Waraabe waxa uu ka been abuuranayaa Xukuumadda tallada haysaa, isaggoo dadweynaha damacsan inuu tuso inay Xisbiga Qaran ee Ucid kaga daneyso Burburintiisa, hase-yeeshee waxa cad oo marag ma doon ah in Xukuumaddu aanay kula socon Burburintaa, waayo Xukuumaddeenu uma abuurnaa inay asxaabta Murnuriso iyo inay shaqsiyaad xisbiyadda kamid ah xilka qaadistiisa u adeegsato cid, waayo ma qabbo inay Faysal shaqadaas u dirteen Xukuumadeenu. Balse waxa ku waajib ah in aanay Burburinta Xisbigaas Qaran ee Faysal kula galgalimaysanaayo ay ka badbaadiso si ay taarikhda ugu gasho, una qaado koobka Cadaaladda. Waxa kaloo ceeb ah inuu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Warbaahinta toos uga weeraro Hooyooyinka dalka iyo Haween weynaha labada, maxaa yeelay waa sharafteena iyo Karaamadeena labadaba. Waxa kaloon la yaabay oo aan garan waayey sababta uu Warbaahinta uga sheegay Faysal Cali Waraabe inuu Marwadda Qarankeena Aamina Maxamuud Jirde(Aamina Waris) kala hadlay inaan Haweenka waxba la weydiin, waxaan u arkaa waa fadeexad uu ugu talo galay Marwadda Qaranka. La soco

Qalinkii Cabdifataax Cali Faarax.

Cabdifataax4244@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews