Maxkamad Ku Taalla NORWAY Oo Cafiday Nin Soomaali Ah Oo Qudha Ka Jaray Nin Uu Dhex Maray Khilaaf Ka Dhashay Qabyaalad
July 3, 2016 - Written by Berbera Today
Magaca Gacan-ku-dhiiglaha Maxkamaddu Cafiday Iyo Magaca Marxuumka Uu Dilay
Tromsø(Berberatoday.com)-Dhageysiga dacwadda iyo Doodda ku saabsan kiiska loo haystay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdimaalik Yuusuf oo ka socotay muddo afar maalmood ah gudaha Maxkamadda magaalada Tromsø ee Woqooyiga dalka Norway ayaa lasoo gebagebeeyey.
dacwaddan Kiiska oo aan la furin tan iyo sannadkii 2002-dii ayaa dib uga bilowday magaaladani Tromsø ee ugu weyn woqooyiga dalka Norwey Salaasadii la soo dhaafay taasoo socotay muddo afar maalmood ah, iyadoo taasina ay sabab u tahay kadib markii uu racfaan qaatay Cabdimaalik xilligaas kana baxsaday Norway oo ay baadhis iyo dabagal ku hayeen halkii uu u baxsaday.