berberatoday.com
Dhalineey baaqban wadaa
July 4, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

 Waa galab casara gaaban ah roob baa qaadayWax yar uun ka hor, shinbiraha cidooda iyo waxay dhagahaagumaqlayaan sanqadha biyaha qulqulaya jawigu waa jawi degan dadka magalada Hargeysa ku noolna xafadaha ayay badan kooduna kuwada hor sheekaysanayaan , ciyaalkuna ku ag ciyaarayaan,waxay dadku aad ugu faraxsanyihiin nimcada uu ilaahay u dhiibay,saxansaxda iyo udgoonka neecawda qabaw .Hooyo Caasha iyo aabo Ibraahin waa qoys dagan xaafad ka mida xaafaddaha ku yaal magaalada Hargeysa waxay dhaleen afar ciyaala ah laba hablood iyo laba inan qoys danyara ma aha reer qaninimo lagu sheegana ma aha waa dabaqadaha dhexe ee xaafada xawaadle ku nool ,waxaana ugu wayn Farax oo ayaan dhawayd laga guursaday reerkooda oo guri iyo reer u gaara ah yagleelatay halaka Maxamuud, Muna iyo Farxaana ka yaryarihiin ,maaxamuud ayaan dhaw ayu ka qalanjibinayaa jamaccada UNIVERSITY OF HARGESA ,munina sanadkan ayay gashay jamacada halka farxaan yarena imika uun madaxa la kacay oo dugsiga sare sanadki ugu danbaysay uu ku jiro .Reer ibraahin waxay iska ahaayeen reer yar oo hadana iskaga jira nolol farxad leh aminsana in uu ilaahay subxaana wa tacaala uu ku galaday nimcooyinkiisa wax nolosha ka dhimana aanay jirin waxay noloshu sidaa ahaataba wakhtiguna socdo inanki ugu waynaa jaamacadii wuu gabagabeeyay halku kii yaraana jamaacadii bilwaday labadii waalid ee dhalayna waa hooyo caasha iyo aabe ibraahine ay ubadkooga ku faraxsanaayeen ilaahayna ugu mahad naqayeen in uu ku mid aad iyo aad u wayn waxay sidaa ahaataba inanki maxamuud shaqo hore uumusan helin isaga oo niyad jabsan hadana hasa yeeshe shaqooyin uu qaban karayay way jireen se wu iskala han waynaa oo anoo jamacad ka so baxay maxa igu kalifaya shaqo yar oo ducufa ayu lahaa waxay sidaa ahataba waxa iyana jiray asaaxab uu lahaa oo bari hore intaanu jamacada galin tahriibay iyago ilaahay ka bad baadiyay dariiqi dhimashada ayay ahaayeen qaar hadana dhib faro badan so martay haday ahaato jidh dil iyo maskaxdoo laga dilayba taaso ay sidaasi jirto ayaanay hadana ay ahaayeen qaar ku jira xeryaha qaxoontiga ee wadanka jarmalka ,maalin maalimaha ka mida ayaa kiiyo maxamuud ku jiro baraha bulshadu ku wada xidhiidha arkay nimanki berigii asaxaabta ahaayeen oo sawiro ay kala cadaadeen ay so galiyeen barihii bulshada hadaa wa niman ku jira xeryaha qaxoontiga oo gunada caydha qaata .

Maxamuud aad buu wadankii uga niyad jabay waxaanu ku fikiray hadaad berigii aad raaci lahayd asxaabtada tano kale kumaysan hesheen oo adba sidooda oo kale ayaad noqon lahayd waalidkana wax baad tari lahayd ,kama uusan fakarin maxamuud dhibtii intii la eekayd ee asaxaabtiisa u galeen iyo dawaradii xaafadaha misaajidada looga dawari jiray hebel baa ka tahriibo magafuhu haystaaye lacag u soo ururiya wuu ilaabay indho ku garaadle ayuu noqday waxana kaliya isaga qancisay nimankani siday u ekadeen ,wuu ilaabay dhibtii loo maray iyo tay iyagu sii mareen haday tahay magafe ,saxaaraha ,gaajada oonka iyo silica waxaaso dhanba isagu waa mid hilmaamsan waxna kamu arag intii uu ka maqlayna waxaabad mooda in uu dhegtaana ka maqlay ta kalena ka sii daayay .
Hooyadu waa lafdhabrta reerka hooyo caashi way dareentay inankeedii in aanu maalmahan sidiisi hore iyo si u dhaw toona ahayn, dhawr jeer ayay is tiri warayso waxa la soo darsay inankeeda isaguna hooyo alxamdulilaah ban ahay iyo intaa bilaa camalka aan ahay mooye waa wacnaan wu u dhaafi waayay ,hadaba hooyo caashi sidaa kagamay daba hadhine waxay u sheegtay saygeedi ibraahin waxa inanki badalayna bal ka war doon bay tiri balse nasiib daro kuma uu guulaysan aabe ibraahin waxaaanu ku war celiyay ooridiisi isago ku leh anba wan dareensanahay inankeenu in aanu

caadi ahayne awlaadeenana ugumaynaan baranin ay noloshooda waxa kuso biira inaga qariyaane se waxii jiraaba cakaaray iman .
Maalin maalimaha kamida ayaa waxa maxamuud uu ku arkay barihii bulshada mid kamida saxiibkii oo ka mida kuwan inanka hiyo kiciyay salaan kabacdi iyo is waraysi xaal guud waxa dhacday in maxamuud ka waraysto tahriibta iyo nolosha ay imika ku noolyihiin ,in kastoo lay idhaa ragu jabkooday ka sheekeeyaan hadana may dhicin inanki maxamuudna waxaan sal iyo raad toona lahayn ba looga sheekeeyay waanu qaatay isna waxa uu isku diyaariyay inu wadaday mareen ka daba maro ama waad ku dhiman ama waad ka bixi buu is yidh labaadsna kaagama dhaxayso ma waligaabaad so taagnaan oo shaaha iyo baalashka kabahaaga ka sugi aabaha maya maya ka tahriib imikay goori goortahaye ayuu is idhi waxaanu u kuur galay inuu arursado sahaydi iyo waxa uu jidka ku mari lahaa ,markiisa horeba nin ayaan leh buu ahaa oo hooyadi iyo aabihi waxay u iibiyeen gaadhi yar oo ay islahaayeen yaanu is odhan cidba wax ku dheer oo uu jamacada ku tagtagi jiray iyo laptop uu casharada jamacada ku diyaarsan jiray ayuu haystay labadiiba wuu iibiyay waanu dhaqaajiyay isago aan gadaal dib uso fiirinayn hooyo aabo iyo walaal baad lahayd ood cid u ahayd iyo ciirsiba lahayn ayu dhaqaajiyay marku wajaale ka baxay ayu so hadlay una sheegay walaashiisi guriga lahayd inuu tagay hooyadii iyo aabihiina u faray inaanay warwarin ee uu u shaqo tagay farax way naxday waani bay is tiri waxbana wu ka qaadan waayay orod bay maciinsatay waxaanay gaadhay xaafadoodi hooyadeed iyo aabaheedna way u sheegtay ax bal ha werwerina ayu u soo faray isagoo oog inay warwarayaan og misna wu dhaqaajiyay .
WAXAAD TAHAY HUGAYGII HOOYO
HALBAWLAHA WADNAHA E HOOYO
KII DHIIGA HABAYEE HOOYO
BEERKAYGA LAGA HUBAYE HOOYO (ABWAANAD KOOS)
Hooyo caashi waxay kaga dhegtay waan garanayay inuu wax maaganaa dhab ahaan way naxday, hadalo is dhaafana way ku hadlaysay aabo ibraahina u qaadan waa ba ku dhacay marna kamu filayn inankisu in uu waxaaso kale ku kacayo hadu dhoof rabo anaa kaxayn lahaaye muu ii sheeguun ayu ku celceliyaya waxa uu lahadlay dhamaan xuduudaha dalka in aanu dhaafin wiilka astaama leh se waa goorma waa mar ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceene,maxamud waxa uu galay wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya isla markiina waxa uu helay gaadhi u baxaya dalka liibiya oo dhalinyaro isaga oo kale ah saran yihiin waxa safarkoogaku lamaanaynayay laba gaadhi oo iyaguna tahriibayaal waday isagu jiray Somali xabashi iyo canfarba amin ay sii socdan jidka isku xidha labada dal ayaa sadexdii gaadhi oo is eryanayaa laba kamida is jiidheen halkaas oo dadiyo duunyo waxay sideenba isku shuf beelen bil nasiib gaadhigu maxamuud saran kuma jiro labada gaadhi ee isku dhacay ,hooyo caasha iyo aabo ibraahin waxay ogyihiin oo kaliya inankoodui inu ka baxay Itoobiya oo gawaadhidii lipya raacay sadex gaadhina ku baxeen sadexdii gaadhina laba ay isku dhaceen dabadeedna qarax sababeen gawaadhidii dadki iyo wxi ku jirayna isku shuf beelen ma oga inankoodu inu ka badbaaday iyo inuu ku jiro toona halku qofku hal mar ka dhinto waxay iyagu dhimanayeen maalintii sadex kunoo jeer marka magaca maxamuud ama dad tahriibayba la so hadal qaado haamaada goaysay ,waxay sida ahaataba maxamuud liibiya ayu galay Reerkiina la so hadal oo uu waran nasiib daro MAGAFE ayaa haysta waxaanu ka rabaa lacag gaadhaysa $5000 dolar wu ogyahay reerkoogu lacagta inta leeg inaanay haysan laakin waxa uu isleeyahay way so amaahano marka uu kani kusii daayo ee aad ingiriiska gashid eed shaqaysatid ayaad dib u bixin doonta dayntaana aad gudi doonta ,aabe ibraahin af kala qaad bay ku noqotay waxa uu magafuhu ka dalbaday hadana wu farxo qushiye ma noolyahay bu leeyahay jago uu lahaa ayu iibiyay inankina magafahi kaga si daayay haba kasii daaye maxay uga taala ma maxamuud fayawbaa waa inan ay garaacayeen oo siday u tumayeen laf walbaa jabtay
Maxamuud waa uu ka gacan baxay magafihii se isago maalin magaalada dhex socda ayaa waxa qabtay askar waxaanay ka waayeen sharcigii dalka liibiya waanay xidheen jeelalka lipya nin ayaan leh uun ba ka baxa halkaas ayaa hooy u noqotay ,inantii muna ee jamacada dhiganaysayna waxa ku furmay tashuush oo wax barashadeedi kaga ciyaaray waxay noqotay mid jarjar baratay dhinac waa hooyadeed oo isku buuqsan iyo aabaheed oo hanti waxa uu lahaa iibiyay amah iyo dayna hawadan la maraya iyadoo goor habeena ilaa 7 fiidnimo saacadu cagocagaynayso ayay suuqa oo ay alaabo yar yar ka doonatay waxa ka so hor baxay mid ALLE qaada oo nooca hablaha lug gooya oo l yidha muniir , wuu la hadalay way u baxi wayday hadana wu ku celiyay umay bixin go aan bu ku gaadhay tan yare iska waawaynaysiinaysa inu ka so sal gaadho waxa uu u kuur galay inu ogaado waxay tahay halkay degantahay iyo cidaa ay tahayba.
Muna oo subax ka soo adeegtay tukaan u dhaw ayuu is hor taagay salaam kabacdi iyo hadalki oo uu u macaaneeyay kadib numberki ayu ka qortay inanti ,muni way yaaban tahay oo waxay is leedahay ninka sidan oo dhan ku so raadiyay wale lama yaraysan karo ciyaar iyo wakhti lumisna uma jeedo dhibaatada nahaysatana wu nala wadaagi doona ee miyaad adna ka faaiidaysatid fursadu hal mar bay ku so martaaye armaabu laylatal khadar la idiin so diray kani noqdaaye waxay sidii ahaataba muni inanki muniir umaysan fahansiin umana anay jiljilcin waad baahantayna looma bahalo cuno ee is giiji bay iyadu is leedahay yaan lagaa dareemin ,ninkana meel baa u cad inu xoolihiisa iyo af macaanidiisa ku jabsado ayu ugu talo galay muna mudo yar kadib maangabnimo ayaa qaaday waanay rumaysatay wax kasta oo uu ku odhan jiray muniirna waa halka aan doonayay roob ma igu helay ayu taaganyahay isagu
Waxay sheekadoodi socotaba waxa ay gaadhay habeenkay wada balameen waxa ay tageen HOTEL ka mid ahaa hoetelada ugu caansan magaalada halkaaso wakhti ay wada joogeen sheeko iyo casho ka bacdi xaga iyo guriga ayu uso kaxeeyay inanti mana rabo inay qalad ka fahanto oo ujeedadiisa iyo ninkani waxa uu damacsanyahayba ogaato muna way u qalbi dabacday way ku faraxsantay waxay isleedahay ala maad hore u baratid nin wanaagsan oo akhlaaq lehna way u haysataa ,muna laftikeedu inan da yar oo qurxuna u dhalatay nimcona iskaga so kortay bay ahayd dhaban iyo dhagna way lahayd .
Wakhtigu waxa uu socdaba sadex bilood ayaa ka so wareegay mudaday is barteen muna iyo muniir ,maxamuudna afar bilood jeel iyo cadaab bay u tahay muna waxa uu muniir ka dalbaday in uu so doono oo waalidkeed u imaado waabaay siday rabtay iyadna walaasheed farax bay arinkii kala tashatay walaasheed ba waydiisay maxad ku degdagaysa ninka se ma iska eegtay ma baratay cida uu yahay iyo waxa uu qabto muni waxay ugu jawaabtay anaa ku qanacsan intaana midna uma baahni inaan wax ka ogaado waayahay bay walaasheed ku tiri hooyo caasha ayayna u sheegtay iyo aabo ibraahin iyaguna waxay kuu idhaahdeen hadaanaan adigaba ku cadaadin ood calafkaagii qaaday nin wanaagsan iyo reer wanaagsana aad yagleeshay iyadana sido kale se shuruudbanu ku xidhaynaye wax barashadeeda marka uu guursado yaanu u diidin ee ha yeelo inay jamacadeeda si wadato sidiiba dhacday inantina wa lo meheriyay waana lo hooyay isla markiiba marku bil marxabaysiin u dhameeyayay ayay xaqiiqadi isla tagatay ogaatayna inu yahay nin daroogaysta ah muna dilmo iyo garaac bu ku bilaabay nolosheedina xaga kale ayu u rogay iyado kaliyana muu guursanine dhawr hablood ayuu nolosha ka caarcaariyay kadibna furay.
Farxaan yare waxa uu arkayaa noloshan reerkoodi isku wada badashay waxaanu eeda saaraya
walalki maxamuud oo uu leeyahy maxamuud hadaanu tahriibi lahayn aabe dayn ma so galeen munina nolosheeda may iibiseen oo waraabe afka ugamay gasheen waxan oo dhana waa masuuliyadiisi uu dayacay ee aduba maad hagaajisid oo wadada uu maray intaad martid kuso guulaysatid waxa uu isagu ku guulaysan waayay farxaan yarena wu dhaqaaqay wadadi maxamuud qaadayna wu maray waan la wayaay jaan iyo cidhib meel uu dhigay hooyo caaisha naxdintii badnayd markay tana ugu darsantay wadne xanuun bay yeelatay waxana dhinaca midig kaga dhuftay faalig munana ilmo yar markay munir u dhashay ayu iyada iyo ilmihii yaraaba isku so eryay waxaanay kuso noqtay gurigi hooyadeed oo miciinbaabay u noqotay sheekadeedina waxay noqotay ku arkay ku caashaqay dabadeedna ku furay, halka aabo ibraahina uu geeriyooday farxaan yare isaga oo bada masar maraya aya dadka ugu waacaal danbeeyay doonidu saarnaana kula qaraqantay
Maxamuud wa lagasoo daayay jeelki liibiya waxanu nasiib u helay in la so raaciyay tahriibayaal itoobiyan ah ma oga reerkoodi masiibada ku habsatay ee isagu u horseeday aabihii iyo dhimashada walaalkisii ka yara ee ka daba tegay walaashina laguso furay ilmo yar hooyadiina xanuun ku dhacay waxaaso dhana masuuliyad isagay ka saaranatay oo masuuliyadiisi ay ka dhigantahay inu ka baxasaday
Waa curub abaaday
Waa laan cusayba
Oo caaro fuushay. (GAARIYE)
Hadaba aqkhriste ma ogtahay in kabad sheekadan oo kale ama kaba si daran in ay ka dhacdo wadankeena ama wadamada somaliyeed ee inagu xeeran
Inagu ma nihin wadan ay haystaan dagaalo ama dhibaatooyin looga cararo ilaahayna waxaan ka baryayaa in karti inagu siiyo aynu aamino inaanu jirin wadana inaga barwaaqaysnay, keenana wax soosaar iyo karti ku hagaajisan karno fooqyada iyo $ dolarka loo tahriibayoba rag baa samaystay ,inagana daayarteeni tiiyoon dagaal macaluul iyo silic toona hayn ayay badaha ku idlaadeen badaha ilaahay inta inagaga maqan mooye in kale ha inoga ilaaliyo inagaa nolosheena qacmaheena ku abuuran karna kuna baabin karna akhriye bal hal second indhaha isku qabo oo ilmahaagi oo badu liqayso ku hafanaya biyahay suurayso walaasha ama inantaadi oo niman aanay garanayn haystaan siday doonana ka yeelayan qaarna boqmaha ka dooloinaya si aanay ugu baxsan suurayso
Kaagan tahribi rabaw ilaahay u noqo waxba kaama maqnee gaajo kuma hayso oo qofka ugu liita waa ka laba galin wax cuna hoy la aan kuma hayso ee caqli daro iyo diin dara ku hayse ma ogtahay oo ma la socota in hadaad. Dhexda ku dhimato inaad aad tahay ehelu nar tahayna qof naftiisi dilay oo isagu is dilay ,ilaahay agtiisana waxaan cadaab ahayn iyo ciqaab alle kaama horeeyaan kaliga hayska fakirin dadkaaga ka fikir naxdinta waalidka habaarka kaaga dhcaya waaba hadaad noolate ka fikir, hooyadu markay ilmaha yar ku sido xanjaadka hadu ka yara dabco haqda kaliya melba goda bal ka waraan taaso lagu idhi ilmahaagi wu tahriibay magafa haysta waa la xidhay ama wu dhintayba ka warama ilaahayban idinku dhaarshe.
Intaad tahriib ku fikirayso miyaadaan ku fikiri karayn in aad hormar gaadhi karto adoo halkaagan iyo wadnkaagaba jooga miyaad is aamintid inaad hormar magic mansab iyo maalba wadankaaga ku dhex heli i kartid
Qof baad tahay guul abuura
Qof baad tahay guri yagleela
Qofbaad tahay gaar ahaantii ku gaajo baxo iskeena
Gankaaga kuma dheero caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaagixin aayahaagu
Dadkaagana kama goaysid
Dalkaaguna kuma giriifin
Galbeed yurub kuuma yeedhin
Giiriguna kuuma baahna o
Gob baad tahay moogan inteeda
Adiga hoygaagi waakan (ABWAAN WEEDHSAME)
Dhaaman waxan ka codsanayaa cidii akhrisa maqaalkayagan in ay wax igala qaban doonaan cidhiib tirka masiibadan TAHRIIBKA masiibadan aafaysay dhalinteena dayarteenan dhamaate badwaynta wada liqday iyo hooyooyinka baroortu maalinkasta naf mooday ugu yaraan sadexdii biloodba laba goor ba la so sheega in saxaaraaha ku dhinteen ama badaha kula qaraqantay doonyihi tahriibayaal miyaynaan, ka damqanayn ,miyaynaan ka ilbaxayn miyaynaan cilmi iyo waayo aragnimo iyo tusaale ino ahayn
Hadaba diinteena suubana maxay ka tiri tahriibta ,qof tahriibay waxa uu ka dhiganayahay ilaahay agtiisa marka lo eego qof is dil ku kacay ,NABI MUXAMEDNA NNKH wxu yidh qofku waxu isku dilo uun ba akhirona lagu cadaabaya ama biyo haysku dilo ama midi haysku dilo , waa qof ilaahay ka quustay oo leh halkan waxba ma yaalane ilaahayna halkan wax kuma haye gaaladay lacagta haysa iyo arsaaqda, qofka qof tahriibay lacag ka daba diray ha ahaato lacagtaasi tu aad kuso celinayso haday tahy tu aad hore ugu si wadidna ogow hooyo ama aabo waad ka qayb qaadatay dilitaanka ilmahaaga oo sbabab baad u tahay waad dulmiyaysa oo wad ku xad gudbaysaa ilmahaaga ,ilaahay halaga cabsado oo dhulka hala aamino
Miyaynaan garashiyo garaad lahayn waa maxay garashadan dayawdee garbaduubka loo xidhay , hadhkiyo labadiisa galin habeenku way is riixayaan aduun hawl kama dhame intaad higoodo leedahay hoheey mawdkuna ku garab socdaa gaduna mooyi gooray noqon.
Midka quustayee
Qancayee tahriib
Quudaeraynayeey
Qorshe ugu jiraw
Adon balaba qabin
Qormo nabada yaal
Hays qafaalanoo
Qusur haysku galin
Qof dalkiisa buu
Qiimayn dhabiyo
Ku helaa qadarin
Bal qabso dal kale
Qariib baad ku tahay
Silic iyo dhib qab
Habaar qabe ha noqon
Qoyskooda iyo waalidkii qasa
Qaxar iyo dhib bada
Adna qoomamiyo qulub haysku dilin
Qarafaysigiyo kan qaxoontinmo
Qurux moodaye qaraamaad rabaw
Qurbe maha meel quud bilaashiyo
Yaalan qasnado qani lagu noqdaa
Hays qafaalanoo ha ku dhicin qabtii dhagar qabaha jaan
Hays qasaasinoo qusur adag ha gekin
Qudhaadana ha jarin
Abwaan (maxamed cadaani)

QALINKA (ENG HIBO AHMED ISMAIL)

Waxa aad Hibo u sii marin kartaa waxii fariin ah email-kani
C/O rakadmxd@gmail.com>

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews