berberatoday.com
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Kulan Afur iyo Casho Sharaf Ah u Sameeyey Dhallinyartii Dhawaan Loo Xidh-Xidhay Fikirka Wareejinta Dekadda Berbera iyo Aqoonyahanka Ka Soo Jeeda Gobalka Saaxil oo Ay Is Xog-oggaal Waraysteen+SAWIRO
July 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan afur iyo casho sharaf ah caawa hotel Maamuus ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey dhallinyartii dhawaan loo xidh xidhay sababo la xidhiidha dhalliilo iyo naqdin ay u soo jeediyeen heshiiska wareejinta dekadda magaalada Berbera iyo weliba sida oo kale labeenta dhallinta haldoorka u ah guud ahaan gobalka Saaxil.

dhalinyaro

Kulankan oo u jeedkiisu daarnaa siddii xisbiga WADDANI uu dareen ahaan u la wadaagi lahaa isla mar ahaantaana uu u muujinaayo sida uu mar walba uga xun yahay tallaabada sharci darrada ah ee xadhiga looggu geystay dhallintaasi sida oo kalena uu ugu taageeri lahaa doorkooda muwaadinnimo ee ay kaga soo horjeesteen wareejinta dekadda Berbera iyo weliba is xogwaraysi la xidhiidha xaaladda guud ee dhallinyarta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda gobalka Saaxil, ayaa waxa kulankaas ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Afhayeenka xisbiga WADDANI xildhibbaan Ibraahim Buubaa, xubno ka mid ah fulinta xisbiga, mudan kale iyo dhallinyarta ka soo jeeda gobalka Saaxil.

maxamed sidiiq

muwaafaqo

Afhayeenka xisbiga WADDANI Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, xubno ka mid ah fulinta iyo garabbka dhallinyarta ee WADDANI oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan farxad weyn u tahay in ay maamuusaan sida oo kalena dareenkooda la qeybsadaan dhallinyartii sida sharci darrada ah loo xidh xidhay, waxaana ay tilmaameen in xisbiga WADDANI aanu markii hore na habeen ka seexan xadhiga dhallintaasi, isla mar ahaantaana uu ku dedaalay siddii dhallinta oo isku mid ah loogga soo fardaamin lahaa xadhiga sharci darrada ah, waxa kale oo ay farxad iyo guul weyn ay ku tilmaameen in caawa ay gondaha is daraan isna xog-oggaal waraystaan labeenta aqoonyahanka dhallinta gobalka Saaxil oo halkaas kula sugnaa.
Qaar ka mid ah dhallintii halkaas ka hadashay, ayaa iyaguna dhankooda ka mahad-celiyey kulan afureedkan iyo casho sharaftan uu ku maamuusay xisbiga WADDANI, waxaana ay xisbiga WADDANI ku boggaadiyeen siddii uu kaalinta laxaad ka leh uu uga qeyb qaatay soo deynta dhallintaasi, iyaga oo iftiimiyey in siyaasad ahaan aanay ka foggeyn xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana uu yahay ka ugu mudan ee ay taageero la barbar istaagi doonaan, waxaana kaftan iyo weliba is xogwaraysi dheer ka dib ay dhallintu halkaas su’aalo iyo aaraah ba is weydaarsadeen Mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI.

cambesiciid cilmi
Ugu dambeyntii na guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo kulankaas soo afmeeray, ayaa waxa uu ugu horreyn sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kulan afur ah u sameeyo dhallintii loo xidh xidhay fikirka wareejinta dekadda Berbera, maadaama uu socdaal dalka dibaddiisa ugu maqnaa xilligii xadhigooda iyo weliba sida oo kale in ay fursad isku helaan dhallinyarta iyo aqoonyahanka kale ee ka soo jeeda gobalka Saaxil, waxaana uu markiiba uu dheyda ka caddeeyey in ka xisbi ahaan ay mar walba u taagan yihiin illaalin hantida umadda isla mar ahaantaana ay ka soo horjeedaan wax kasta oo dhibbaato ku ah shacabka Somaliland, isaga oo tilmaamay in heshiiska wareejinta dekadda Berbera aanu ahayn heshiis sax ah oo dan ay ugu jirto shacabka Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews