Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Muuse Biixi Ku Balamiyay Sarkaal Boolis Ah Oo Uu Adeer Uyahey Inuu Ka Joojiyo Garoonka Xawaadle. iyo Gudoomiye Ciro Oo Qaatey Amarkii Askarta Wax Xanaaq Ahna Muujin
July 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laga joojiyay, garoonka Xawaadle ee Magaalada Hargeysa halkaas oo ay ka horjoogsadeen Taliyaha Saldhiga Daloodho Diin-Qale oo la sheegay in uu amarka ka joojinta Gudooimyaha Wadani Cabdiraxmaan-ciro ee Garoonka Xawaadle uu siiyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay, in uu ka xanaaqsanaa fashilaad uu xaley kala kulmey Odoyaasha iyo Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo ka hadli kari waayey fagaare badheedhe ah qorshe uu kula soo balamay Madaxtooyada ahaa arinta Xiisada ka taagan Wareejinta Dekedda Berbera taas, ayaa kaliftey in Muuse Biixi oo xaley ka hadley fagaare Xildhibaanada Golaha Deegaanku ku casuumeen oo masuulyiin Xukuumada ah iyo Xubno ahi u camireen uu cadhadii halkaa ka tabiyay khudbad isburinaysa oo ay fahmi waayeen kasoo qeyb galayaashii oo dhan taas oo uu meesha kaga saarey habayaraatee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid in uu wax tartan ahiba la galeynin haseyeeshee, uu yahey Xisbiga kaliya ee la tartamayaa Xisbi aan qaan gaadhin oo uu ku sheegayo Xisbiga Wadani.