berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Ganacsatada Jaadka Ee Magaalada Laascaanood Oo Beeniyay Ceebeyntii Ina Jabuutaawi Marmariyay Shirkada 571 Iyo Ina Afdiile
July 5, 2016 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Ganacsatada Qaadka ee Magaalada Laascaanood, ayaa beeniyey eedaymo uu Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo ka mid ah Dadka Qaadka geeya Laascaanood ku sheegay in Shirkadda 571 Qaadka Kenya Diyaarad ku geyso Laascaanood, si uu u kala dilo Mulkiilaha Shirkadda 571 Maxamed Ismaaciil Tarabbi (Ina Afdiinle) iyo Itoobiya oo uu Dhalasho ahaan ka soo jeedo isla-markaana Ganacsigiisa Qaadku ku xidhan yahay.

Ganacsade Jabuutaawi oo ka mid ah Ganacsatada Qaadka geeya Magaalada Laascaanood, ayaa Shir-jaraa’id oo uu doraad ku qabtay Magaalada Laascaanood eedaymo ceeb ku ah tartanka Ganacsatada u jeediyay Mulkiilaha Shirkadda Qaadka ee 571 (Ina Afdiinle) oo Qaadka halkaa ku geeya Diyaarado iyo Gaadiidka kale ee Qaadka, isagoo sheegay in Shirkadda 571 bilowday inay Qaadka Kenya Diyaarad ku geyso Laascaanood isagoo doonaya inuu xumeeyo Xidhiidhka Shirkadda 571 iyo Itoobiya.

Laakiin Wakiilka Shirkadda Qaadka ee 571 ee Gobolka Sool Cabdiqaadir Xasan Madoobe (Bidaar) iyo Ganacsatada kale ee Magaalada Laascaanood oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Halkaa ayaa sheegay in Ganacsigu xor yahay isla-markaana loo baahan yahay in lala jaanqaado tartankiisa, in eedaymo la isku jeediyaana Ceeb ku tahay Ganacsiga, iyagoo intaa ku daray in Diyaarad uu Jabuutaawi sheegay in Ina Afdiinle Qaad kaga soo qaado Kenya aanay waxba ka jirin, laakiin Diyaaraddaa uu Qaadka Kenya Laascaanood ku geeyo Ganacsade kale oo deegaankaas u dhashay, sidaa daraadeedna uu Warka Ganacsade Jabuutaawi yahay been abuur.

Bidaar Iyo Dalcood

“Waxaanu halkan ka caddeynaynaa in Diyaaradda Qaadka keenta Laascaanood laga leeyahay Deegaanka Sool, lana mid tahay Diyaaradaha Ganacsade Jabuutaawi, wax dhibaato ahna aanay wadin ee Ganacsigu xor yahay.” Ayuu yidhi, Wakiilka Shirkadda Qaadka ee 571 ee Gobolka Sool Cabdiqaadir Xasan Madoobe (Bidaar), waxaanu intaa ku daray oo uu raali-gelin ka bixiyey hadallo deel-qaaf ah oo Ganacsade Maxamed Jabuutaawi u jeediyay Mulkiilaha Shirkadda Qaadka ee 571 Xaaji Maxamed Ismaaciil Tarabbi (Ina Afdiinle) iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, “Waxaanu halkan Raali-gelin ka siinaynaa Cid alaale iyo Ciddii uu Maxamed Jabuutaawi ku khaldamay, hadday tahay Ciidagale oo uu soo hadal-qaaday, hadday Suldaanka tahay, hadday tahay Xaaji Maxamed Ismaaciil Tarabbi (Ina Afdiinle). Ganacsade Xaaji Maxamed Ismaaciil Tarabbi (Ina Afdiinle) waa Nin Itoobiyaan ah oo Ganacsade ah. Diyaaraddaa Nairobi ka timaaddana isagu wax Shaqo ah kuma laha (Ina Afdiinle) ee Ganacsato Deegaanka ah ayaa Kenya ka dalbaday, markaa waalla qaadleynayaa ee Qofku waa inuu tartan u diyaar-garoobaa. In Maxamed Jabuutaawi uu Dad aan Diyaaraddaa shaqo ku lahayn ku eedeeyana waa laga qurux badan yahay.”

Aadan Daclood oo ka mid ah Ganacsatada leh Qaadka Kenya lagaga soo qaado Diyaaradda uu Jabuutaawi ku eedeeyay Ina-afdiinle, ayaa sheegay in Ganacsade Maxamed Jabuutaawi uu doonayo inuu ku keliyeysto Magaalada Laascaanood oo uu keligii geeyo Qaadka, laakiin taasi aanay ahayn aan suurta-galayn, maaddaama oo Ganacsigu xor-yahay, loona baahan yahay tartan, “Qaadka Diyaaraddu ka soo qaaddo Nairobi waxa iska leh Annaga oo ah Niman Dhulbahante. Ganacsade Ina Afdiinle shaqo kuma laha Diyaaradda Qaadka Kenya geysa Laascaanood, Waayo? Isagu wuxuu keenaa Qaadka Itoobiya ee Hereriga.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markaa waxaanu hadalladii Deel-qaafka ahaa ee Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ka raali-gelinaynaa Xaaji Maxamed Ismaaciil Tarabbi (Ina Afdiinle) iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.”

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews