berberatoday.com
Daraasad La Isku Barbar-dhigayo Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo Iyo Rayaale Oo La Bilaabayo
July 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Urur  maxali ah ayaa ku hawlan ururinta daraasad uu ku samaynayo hoggaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo hoggaamintii Madaxweynihii uu xilka kala wareegay Daahir Rayaale Kaahin.

1

Daraasadan oo la sameeyay qaabkeeda guud ee ay u eekaanayso, waxa ka tallo bixinaya siyaasiyiin la soo shaqeeyay labada madaxweyne iyo weliba khubaro kale oo dusha kala socday hoggaaminta labada masuul islamarkaana dalka ku sugnaa 15-kii sannadood ee u dambeeyay.

Ururka oo ka cudur daartay in magaciisa la baahiyo inta uu xogaha ka dhammaynayo si aanay farogelin siyaasadeed ugu iman daraasadooda, ayaa waxa ay tilmaameen inaanay daraasadan ka lahayn dano siyaasadeed balse ay doonayaan keliya inay daraasadani umadda reer Somaliland u noqoto xog taariikhda u gasha oo ay haystaan. Waxaanay sheegeen inay iska xakamaynayaan dano kasta oo siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara, iyagoo xusay inay aad u ilaalinayaan xogahooda.

Dadka ay su’aalaha weydiinayaan ayaa waxa ay ku kala noolyihiin dhammaan gobalada Somaliland, waxase badankoodu joogaan magaalada Hargeysa ee caasimadda ah, waxaana ku jira siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukuumadihii labada madaxweyne.  Su’aalaha dadka la weydiinayo waxa ah ee la isku garab dhigayo Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Rayaale, waxa ka mid ah.

1. Hoggaaminta guud ee dawladnimo

2. Nabadgelyada iyo siyaasadda gudaha

3. Siyaasadda dibadda iyo ictiraaf raadinta

4. kobaca dhaqaalaha dalka

5. ilaalinta xuquuqal insaanka

6. la dagaalanka musuq maasuqa

7. Tayada golaha wasiirada

Ururka ayaa isagu aaminasn  inay soo bandhigayaan natiijada daraaasdan marka ay soo gunaanadaan, waxaanay sheegeen in bilaha soo socda ay si rasmi ah u baahin doonaan midhaha xogaha ay baadhayaan ee arrimaha ay ku kala wanaagsanyihiin iyo kuwa ay iskaga midka yihii Madaxweynaha hadda iyo madaxweynihii ka horeeyay.

Daraasadan ayaa haddii ay hirgasho waxa ay noqonaysaa tii u horaysay ee nooceeda ah ee la isku garab dhigo laba madaxweyne oo Somaliland isaga dambeeyay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews