berberatoday.com
Ka Faa’iideyso Sakaatul Fidriga iyo Adaabta Ciida
July 5, 2016 - Written by Berbera Today

Sakaatul Fidriga

Sakadu waa Laba nooc, mid Maalka ku waajibta iyo mid Madaxyada ku waajibta, haddaba sakaatul fidrigu waxay ku waajibtaa Dadka Madaxiisa, waxay ku waajibtaa Qof kasta oo Muslim ah, mid yar iyo mid weyn, Lab, Dheddig, Addoon iyo Xor mid kastaba, xilliga ay waajibaysaa waa marka Bisha Ramadaan dhamaato, waxa la bixinaayaa waa Raashin cabirkiisu yahay Laba kiilo iyo badh oo cuntada beledka loogu isticmaal badan yahay ah (Quutul Qaalib). Xikmada loo waajibiyey Nebigu SCW wuxuu ku sheegay in Qofkii soomanaa ay u noqoto kabis iyo inay Masaakiinta Muslmiintu Maalinta Ciidka kaga kaaftoomaan baahida iyo baryada, si ay Muslimiinta ula farxad qaataan. Saxaabiga Cabdulaahi Bin Cabaas Isaga iyo Aabihiiba Illaahay haka raalli noqdee ayaa yidhi: “Rasuulku  wuxuu Faral ka dhigay sakaatul Fidriga, iyada oo Qofka sooman nadiifin uga ah Soonkiisa Hadaltiradii, afxumadii, iyo iyadoo Masaakiinta u ah quud, Qofka bixiya Sallaada Ciidka ka hor waa Sadaqo la aqbalay, Qofka bixiya Sallaada Ciidka ka dib, waa Sadaqo ka mid ah Sadaqooyinka”.

Cabirka la bixinayo waa Laba kiilo iyo nus cuntada dhulka aad joogto loogu isticmaal badan yahay, waxaad ka bixinaysaa, Naftaada iyo Cid kasta oo Masruufkoodu kugu waajib yahay Waqtiga ay waajibayso Culimadu Laba Aragtiyood ayey ka qabaan oo kala ah :

  1. inay waajibayso Qorraxdu markay dhacdo ee Habeenka Ciidda, sidaa waxa qaba Shaafici, Axmed iyo Maaliki Riwaayad ka sugan.
  2. Waxay waajibeysaa Qorraxdu markay soo baxdo Maalinta ciidda, waxa qaba Abuu Xaniifa iyo Riwaayad Labaad oo Maalik laga sheegay.

Muhiimada u dhaxaysa labada qawl waxay tahay, in Qofkii dhasha, ama dhinta xilliyada ay sheegeen in sakadii ku waajibayso, ama ay ka dhacayso.

Culimadu waxay sheegeen in la bixin karo Maalin ama Laba ka hor Ciidka wayna ansaxaysaa. in lacag lagu bixiyo Culimadu way diideen, waxa banneeyey Imaamka weyn ee Abuu Xaniifa, isaguna wuxuu ka eegay in lacagtu Masaakiinta u faa’ido badan tahay, laakiin Nebigu SCW lacag mana amrin kumana bixin.

Adaabta Ciidda

Ciidku waa farxad lagu farxayo, iyo shukri naq Cibaadadii la soo dhamaystirtay, Labada Ciid ee Muslimiintu labaduba waxay yimaadaan marka la dhamaystiro Laba Tiir oo ka mid ah Shanta Tiir ee islaamku ku dhisan yahay, kuwaas oo ah Soonka dhamaadkiisa iyo Xajka dhamaadkiisa, Waxa Nebigu SCW Magaalada Madiina yimi iyadoo Dadkii Dhulkaa deganaa ee Ansaarta ahaa ay lahaayeen Maalmo ay ciidaan markaas ayuu ku yidhi: waxa Illaahay idiinku bedelay Laba Maalmood oo aad ciiddaan oo ah Ciidka Fidriga & Ciidul Adxaha.  “Waxaan idiin imi idinkoo leh Laba Maalmood oo aad ciyaartaan, Illaahay wuxuu idiinku bedelay Laba Maalmood oo ka kheyr badan, waa Maalinta Afurka iyo Maalinta Addxaha”.

Xukunka Sallaada Ciidda Culimadu waxay isugu khilaafeen Saddex Qawl:

  1. Inay waajib tahay, waxa sidaa qaba Mad’habka Xanafiyada.
  2. Inay tahay Sunne addag, waxa sidaa qaba Mad’habka Shaaficiya iyo Xanbaliya.
  3. Inay tahay Fardal kifaaya [haddii dadka qaar tukadaan kuwii kale way ka dhacday], sidaa waxa qaba qaar Xanbaliyada iyo Shaaficiyada ka mid ah.

Qawlka aan dooranaynaa waa inay tahay sunne addag in la tukado Ciida,

Waqtiga Sallaada Ciidda

Waqtiga la tukanayaa Sallaada Ciidu waa xilliga Qorraxdu dhulka ka kacdo wax leeg waran samaydii ku jira, waxay Culimadu isku waafaqeen inaan la tukan Karin ka hor inta aan Qorraxdu soo bixin, xilligeeda ugu danbeeya waxay ku sheegeen ilaa Qorraxdu Samada badhtankeeda soo gaadho.

Sallaada Ciidal Fidriga woxoogaa dib ayaa loo dhigaa si dadku isaga bixiyaan Sakadii, waqtigeeduna aanu cidhiidhi ku noqon, Sallaada Ciidul Adxaha waa la dedejiyaa si Dadku u gawracaan Udxiyada.

 

 

Sallaada la tukanayaa waa Laba Rakcadood oo aan wax sunne ahi kana horrayn kana danbayn. Labada Rakcadood tan hore waxa la takbiiranayaa Toddoba Takbiirood oo aanay ku jirin tan xidhashadu, Rakcada danbe marka Iimaamku ka soo kaco waxa la takbiiranayaa Shan takbiirood oo aanay ku jirin tan soo kicistu, Imaamku Gacmaha ayuu kor u qaadayaa, dadka uu tujinayaana way ku raacayaan.

Camalada la qabto waxa ka mid ah in Imaamku khudbadeeyo Sallaada ka dib in khudbada Sallaada laga soo hor mariyo, waa khilaaf Sunnadii Nebiga SCW la khilaafay, Qofkii ugu horreeyey ee sameeyeyna wuxuu ahaa Mucaawiye RC.

Camalada la qabto waxa ka mid ah in la takbiirto oo Illaahay la weyneeyo iyadoo la odhanayo: Sidaasi waxay ka sugnaatay Labada Saxaabi ee Ibn Cumar iyo Ibn Mascuud [eeg labada kitaab eeTamamu manah ee Albaani bogga 356 & sunan Daarqudni].

Waxyaalaha Sunaha ah ee Ciida la qabto waxa ka mid ah in la qubaysto, Dhar fiicana la xidho, Ehelka iyo Carruurtana laga farxiyo Waxyaalaha la qabto waxa ka mid ah in ciidal Fidriga la sii cuno Timir hal dheeri ah, Qofku isagoo aan wax cunin waa inaanu Sallaada u bixin.

Ciidka Adxahana waxa la suneeyey in aan waxba la sii cunin inta Sallaada la tukanayo. Waxyaalaha la suneeyey waxa ka mid ah in Dumarka iyo Carruurta la geeyo Goobta Ciidka si khayrka iyo barakada ay u helaan, xattaa Gabadhu haddii aanay Sallaada tukaneyn waa inay goobta khayrka ee Ciidda Muslimiinta ay tagaan, si barakada ay uga qayb galaan. Waxyaalaha Sunaha ah waxa ka mid ah in Darriiqii aad markii hore sii martay laga baydho oo mid kale la soo maro soo noqodka. Waxa kale oo fiican in Muslimiintu is Bogaadiyaan khayrna isu rajeeyaan, kuna shukriyaan Cibaadada Illaahay waafajiyey iyo u dhameystirka uu u dhamaystirmay, iyagoo isugu ducaynaya in Illaahay ka aqbalo Cibaadada ay guteen, waxa la odhanayo oo si gaara u soo arrooray ma jiraan, laakiin qaar Selefka ka mid ah yaa laga sheegay inay odhan jireen Maalin Jimce iyo Ciid haddii ay kulmaan, waxa bannaan in Maalintaa Jimcaha la fasaxo, oo Duhur la tukado.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews