berberatoday.com
Zidane Oo U Dabaal-Degay Sannad Guuradiisii 15aad Ee Real Madrid + 10 Dhacdo Oo Ku Xidhiidhsan
July 5, 2016 - Written by Berbera Today

Madrid(Berberatoday.com)-July 4, 2001 ayey garroonka Bernabeu soo galeen Lugano, Florentino Perez iyo Luciano Moggi kuwaas oo uu wehelinayo ciyaartoy aad dunidu indhaha ugu haysay oo ahaa Zinedine Zidane oo wakhtigaas ay Juventus kaga soo iibsatay lacagtii ugu badnayd ee abid ciyaartoy lagu kala iibsado, taas oo ahayd 72 Milyan oo Euro.

zidaniMaalintaas waxa laga joogaa 15 sannadood oo buuxa, waxaana ka dambeeyey wakhtiyo guulo, gabow iyo isbeddel dhinaca xirfadda ah.

Haddaba, halkan ayaanu idiinku soo gudbinaynaa dhacdooyin mudan in la xuso oo la xidhiidha Zidane iyo sannadihii uu joogay Madrid.

La-qabsigii iyo goolkii cajiibka ahaa

Ma sahlana in lala qabsado kubadda cagta ee kooxda Real Madrid, laakiin Zidane wakhti badan umuu baahanin, inkasta oo ay ku adkaatay in uu si fudud ula jaan-qaado kubadda tabbabare Vicente Del Bosque oo ka ciyaarsiiyey khadka dhexe ee kubbad samaynta iyo dhinaca biddix.

Si isa-soo taraysa ayuu u ula qabsaday, taariikh weyn se waxa uu sameeyey 15 May, 2002 markii uu gacanta u geliyey kooxdiisa Real Madrid koobka Champions League oo ay ka qaadeen Bayern Leverkusen. Waxa aan illaa hadda xusuusta dadka ka bixin goolkii fooliga ahaa ee uu dhaliyey ee ay koobka ku qaadeen.

Shan sannadood oo mucjiso ah

Taageereyaashu waxay bilaabeen inay isku dayaan iyagoo dariiqyada jooga iyo meelaha ay kubaddaha ku ciyaaraan inay sameeyeen farsamooyinka Zidane oo kale.

Shanta sannadood waxa uu ka ciyaaray meelo badan, oo ay ugu badnayd kubbad samayn oo ah booskiisa dabiiciga ah, waxaanu ahaa udub dhexaadka ugu weyn ee saacida weerarka, dhaawaca ugu weyna gaadhsiiya kooxaha ka soo horjeeda.

Kala go’ii Koobabka iyo maalmihii madoobaa ee Real

Sannadihii hore, wax walba sida ubaxa ayey ugu soo daadanayeen Zidane laga soo bilaabo guushii Champions League ee 2002 uu ku hoggaamiyey koobkiisa koowaad ee Real Madrid, waxaana uu isla sannadkaas la qaaday UEFA Super Cup iyo Intercontinental Cup. Kala dhantaalan ayaa yimid sannadkii xigay markii uu Del Bosque ka tegay Real Madrid, waxaana beddelay laba tababare oo aan wakhti badan u dhaxaynin oo kala ahaa Carlos Queiroz iyo Juan Ramon Lopez Caro. Waxay kooxda gushay maalmo mugdi ah oo koobab la’aan ah, laakiin taageereyaashu mar walba garoonka ayey soo buuxinayeen iyagoo filaya in ay arkaan Zidane oo mucjisooyinka la soo baxa, una qaada koob, iyagoo niyadda ku haya koobkii Adduunka ee 1998 uu u qaaday dalkiisa France iyo xiddignimadii wada socday.

Ilmadii sagootinta

Markay taariikhdu ahayd May 7, 2006, kulan dhex maray Real Madrid iyo Villarreal ayaa lagu sagootiyey laacibka Zinedine Zidane oo uu kaga fadhiistay ciyaaraha. Waxay ahayd maalintii ay indhaha taageereyaasha ilmadu qoysay, soona gunaanadday shan sannadood oo uu u xidhnaa kooxda lambarka 5.

Garoonka dadkii joogay oo dhan waxay ku lebbisnaayeen dhar cad iyagoo kor u hayey lambarka 5 oo uu Zidane u xidhan jiray kooxda.

Kaadhkii Casaa ee Koobkii Adduunka 2006

Markii uu ka fadhiistay u ciyaarista kooxdiisa, waxa uu saftay koobkii adduunka ee 2006 oo uu ku soo gunaanadayey xirfaddiisa ciyaartoynimo. Kulankii ugu dambeeyey ee finalka ayaa uu soo gaadhsiiyey xulkiisa isagoo burburiyey Spain iyo Brazil. Ciyaarta u dambaysa, waxa uu u dhaliyey dalkiisa gool uu kala hor maray Italy, hase yeeshee waxa uu madax xabbadka kaga dhuftay Marco Materazzi, kadibna casaan ayaa loo taagay, inyar kaddibna waxa Italy ay heshay goolka barbar dhaca, rikoodheyaashii la dhigay ee ay labada kooxood ku kala baxayeenna waxa ku guuleystay oo koobka ku qaaday xulka qaranka Talyaaniga.

Kusoo laabashadii Real Iyo shaqadii cusbayd

June 1, 2009 ayuu dib ugu soo laabtay kooxda laga jecel yahay ee Real Madrid isagoo la taliye u noqday Florentino Perez oo dib loo doortay.  Waxa ay wada shaqeeyeen inta uu shaqadiisa cusub ku jiray Jorge Valdano oo noqday agaasimaha fulinta ee Real Madrid.

Xidhiidhiyaha Madaxweynaha iyo ciyaartoyga

Sannad kadib waxa uu noqday xidhiidhiyaha ciyaartoyga iyo madaxweynaha kooxda Florentino Perez, waxaana uu abuuray isfaham iyo isku soo dhowaansho ciyaartoyga iyo hoggaankooda ka dhex dhlatay.

Guushii Lisbon

Markii uu Jose Mourinho ka tegay kooxda, waxa uu Zidane tababare ku-xigeen u noqday sannadkii 2003 Carlo Ancelotti oo uu kula guuleystay Champions League ciyaartiisii finalku ka dhacday magaalada Lisbon. Waxa uu noqday guushii koowaad ee Zidane uu gaadho isagoo tababare ah, waxaana uu koobkaasi ahaa kii 10aad ee ay Real Madrid ku guuleysato ee tartanka Champions League.

Tababaridda kooxda hoose

Markii laga soo noqday damaashaadka Champions League, waxa uu Zidane sannadkii 2014 noqday tababaraha kooxda Real Madrid Castilla ee heerka labaad ee dalka Spain oo ah akaadamiga Real Madrid. Sannadkiisii koowaad, waxa uu ku dhowaaday inuu kor u dallaco kooxda, waxaanay ku dhamaysatay kaalinta lixaad.

U Dallacaaddii tababarenimo iyo habayntii kooxda

January 4, 2016 ayaa loo magacaabay tababaraha rasmiga ah ee Real Madrid, waxaana uu kulankiisii koowaad kala hor tegay Valencia ciyaar ka dhacday garoonka Estadio de Mestalla.

Isbeddel degdeg ah ayuu hirgeliyey, waxaana uu khadka dhexe ka ciyaarsiiyey Casemiro, afka horena waxa uu u daayey saddexda ciyaartoy ee BBC lagu naanayso. Kulamadii u horreeyeyba guulo ayuu gaadhay marka laga reebo ciyaartii Atletico Madrid. Barcelona oo uu garoonkeeda ugu tegay ayuu soo garaacay, waxaana uu kor u soo qaaday kooxda oo gashay kaalinta labaad iyadoo markii uu xilka qabsadayna 13 dhibcood ka hoosaysay kooxda hoggaanka haysa. Waxa kale oo uu tallaabooyin wanaagsan u qaaday dhinaca horumarinta ciyaartoyga iyo isku xidhkooda, aakhirkiina waxay Real Madrid tagtay finalka Champions League oo ay isaga hor yimaaddeen Atletico Madrid oo ay foodda is dareen May 28, ciyaar ka dhacday garoonka Stadio Giuseppe Meazza, Milan

Guushii u weynayd ee tababarenimo

Tartanka Champions League waxa uu garaacay Roma, VfL Wolfsburg iyo Manchester United, waxaanay tageen finalka, waxaanay rikoodheyaal kaga qaadeen Champions League kooxda Atletico Madrid. Ciyaarta ayaa caadiyan ku dhamaatay 1-1 ay goolasha kala dhaliyeen Ramos iyo Garasco, waxaana Atletico rikoodhaha ka khasaariyey Juanfran halka uu Cristiano Ronaldo kooxda Zidane u dhaliyey rikoodhihii guusha ee koobkii 11aad ee tartanka Champions League.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews