berberatoday.com
Israaiil Oo Kucaawin Doonta Kenya Dhisida Derbiga Xadka Ay La Leedahay Soomaaliya
July 7, 2016 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-In muddo ahba waxaa socoday qorshe dawlada Kenya ay ku dooneysay inay ku dhisto derbi dheer xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

ss

Arinkaa oo eedo ballaaran iyo cabasho xooggan ay ka yimaadeen ayaan si kastaba ha ahaatee qorshihiisu dhammaan oo weli laga dhawaajiyaa xoogaa markii lajoogaba.

Haatan ayaa waxaa soo if baxaya warar sheegaya in dawlada Israaiil ay ku caawin doonto Kenya dhisida darbigaa oo dheerar le’ekaan doona 440 mayl. Warkaan ayaa khaasatan yimid ayadoo shalay uu soo gabagabeeyay raisul wasaaraha Israaill Binyamin Natanyahu booqasho uu kuyimid Kenya.

Wararku waxay sheegayaan in Natanyahu uu sidaa ka ballan qaaday Kenya arintaas oo qeyb ka ah dadaal uu ku doonayo inuu ku helo taageerada dalalka Afrikaanka. Binyamin Natanyahu ayaa doonaya in dalalka Afrikaanka ah ay ku taageeraan hawlaha dawladiisu ka dhex waddo gudaha Qaramada Midoobay (QM).

Dawlada Kenya ayaa rajeyneysa in gidaarkaa la damacsan yahay in la dhiso uu u ekaan doono qoqobka dhex yaala Israaiil iyo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta isla markaana uu xaddidi doono qulqulka argagixisada uga timaada dhanka Soomaaliya kuwaasoo lagu eedeeyay falal badan oo amni darro ah sida weerarkii 2013 ee suuqa Westgate ee Nairobi halkaas oo la sheegay in 67 lagu dilay waa sida hadalka loo dhigaye.

Westgate waxaa iska leh dad Israaiiliyiin ah.

Sababta Kenya ku kaliftay dhisida derbiga ayaa ah in laga soo bilaabo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya aysan ka dhammaan weeraro uga imaada xarakada Al-shabaab oo fariisimo ku leh gudaha Soomaaliya sidaa daraadeedna ay dooneyso inay weerarada xarakada Al-shabaab sidaa ku xaddido.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews