berberatoday.com
“Iyadoo Balaayada Wakhtigu Keenay Boqol Dhaaftay.Si Gaaraa Kalluunkii Berbera Loo Budlinayaaye.Bisadii Qoyaankiyo Necbayd Roobka Barihiisa.Casriyadan Badday Ugu Tagtaa Ay Ku Bidhataaye.Biyaa Kama Xanaaqdoo Dabaal Waayahaa Baraye”Gabayga Baylah Iyo Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
July 7, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-BAYLAH Gabayga baylah oo si dadban uga faaloonaya xaaladaada is bedelka nololeed ee gobolka saaxil. Gabayga baylah wuxuu soo baxay 6.july.2106 miilaadiga Ku beegan ciida 1.shuwaal.1437 hijriyada Gabayga baylah waxaa curiyay abwaan xiis maxamed cilmi ( shanfool ). Wuxuu yidhi
Wuxuu yidhi Adduunyada beryahan waxa ka dhacay bii’ad nololeede.
Baxarbaa naflihi qaar qabsaday boobay caliyoowe.
Iyadoo balaayada wakhtigu keenay boqol dhaaftay.
Si gaaraa kalluunkii berbera loo budlinayaaye.
Bisadii qoyaankiyo necbayd roobka barihiisu.
Casriyadan badday ugu tagtaa ay ku bidhataaye.
Biyaa kama xanaaqdoo dabaal waayahaa baraye.
Gusharkiyo bayaadkiyo waxay gaxash ku boodayso.
Ugaadhsiga kun baac iyo halkay ugu badheedhayso.
Bisinkuu qabsaday deerag iyo baakhad idilkoode.
Sayruugti barafkay gashoo beerku galawleeye.
Tukihiyo wixii baalalay kaynta sare buuxay.
Xoorbaa biraha ugu koroo cunayaa beedkiiye.
Buur iyo xamaamkuna hadduu fuulo Bino fooq ah.
Qaar beerka ku hadaafayaa fiidka beegsada’e.
Wuu baqanayaa noolihii saaxil badankiiye.
Barradiyo rugtoodii Kolkay Bello kusoo duushay.
Nabad kuma barriistaan sidii baadilku u helaye.
Baan iyo gargaar hiil ma tarin beelahaa kale’e.
Hayeeshee bayaan iyo Kolkuu baaqu wada gaadho.
Ee Dirir intoo loo balamo qaraxdo baaruudu.
Bogcadoodu gelinbay xornimo iman banaankaase.
Ma Baraad la’ee waa dulqaad baylahdaa timiye.
Baadida gumaysigu dabraday dhimay baxnaankeede.
maaruqa haddii laga bogtoo laysku birro fiiqdo.
Bililiqada waa laga xorayn booli kii dhacaye.
Kuwii baala-xooftayn jiraa toos u baydadiye.
Gardarada baroorbaa u xigi baad nin kaa rabaye.
Bedelkeeda suga waxan arkaa subax bushaareede.
DHAMAAD XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL )
COMMENTS
|