berberatoday.com
Madaxwayne Siiraanyo waxa uu qabtay waxa qariyay waxa qaloocday oo heshiiska dekada waa laga shakisan yahay
July 7, 2016 - Written by Berbera Today

(Ninka maalintii mas arkaa,Habeenkii xadhiga ayuu ka boodaa)

Intaa ka dib, waxan Qalinka u qaatay in aan waxa dalka iyo dadka u wanaagsan Taageero, waxa Toosin u baahana aan u sheego xukumada, maadaama Disdoorka dalku ogal yahay inan Riyigayga cabiro.

Waxa kale oo aan ka AFEEFANAYAA in aan Riyigan mucaarid iyo muxaafid midna ila wadaagin ee aan u madax banaanahay.
Sidaa darteed, hadaan u soo dhaadhaco Heshiiska dekada barbara waa horemar wayn oo mudo dheer laga dhur sugayay oo u baahan wax kasda oo carqalad ku keeni kara in laga saaro shakiga lagaga saaro wada tashi is qancin iyo wada xaajood, si Heshiiska horemarka Dekadu u keenin iska hor imaad dib u dhac keena.

Mudane madaxwayne waxad qabatay wax wayn oo muuqda waxaana ka mida dhawr iyo toban wasaaradood oo aad dhismayaal waawayn oo qurux badan U dhisday, waxad dhiiri galisay in wadooyinka waawayn shicibka iyo xukumadu dhismaha ka wada qayb qaataan, waxaana ogu wayn wadada ceerigaabo, waxad bedeshay lacagtii burco iyo darajada ciidanka ee aad qaybisay, waxaasi waa wixii laguu doortay in aad qabato waana wax taariikhda ku gali doona.

Intaa ka sakaw, waxa iswaydiin mudan maxaa Heshiiska dekada shakiga galiyay ee umadu u arki wayday waxad qabatay?. Waxa shakiga umada galiyay ee waxad qabatay qariyay, waxan leeyahay waxa qaloocan ee lagugu tuhunsan yahay inaad qayb ka tahay ayaa ka badan waxad qabatay.!!!

Madaxwayne markii aad mucaaridka ahayd waxad xukumadii Daahir Riyaale ku eedayn jirtay, waxay iibisay Guryihii danta guud ee umada.

jDaahir xukumadiisii waxay iibisay dhawr iyo toban guri, laakiin xukumada siiraanyo markay talada qabatay waxa la tiro koobay guryaha dawlada ee dalka tiradooda, waxan filayaa in laga dhigay 1o50 guri oo caasimada lagu qiyaasay 500 iyo siyaado, hada waxa la Tuhunsan yahay guryihii caasimada ee danta guud in la iibiyay ogu yaraa 400, guri oo sifo bilaa sharciya lagu iibiyay,
hada guryihii burco iyo kuwa barbara in la iibiyo ayaa la sheegay,!!!
waxa kale oo shakiga xukumada keenay, Warshadihii laydhka oo shaqsiyaad la siiyay, madaxwaynaha iyo ku xigeenku in ay shuraako kula jiran lagu tuhunsan yahay. Waxa kale oo shakiga keenay Haamihii oo ganacsato lagu wareejiyay oo tuhun wayna jiro in xukumadu sheer kula jirto. Waxa kale oo aad abuurtay laba dabaqadood in umada soomaaliland noqoto xukumada ninka xilka haya iyo tijaartu oo kaliya in khayradka dalka gacanta loo galiyo, inta kale u shaqeeyo ama silic ku noolaado oo maanta taagan.
Waxa kale oo xukumada lagaga aamin baxay, markay sharcigii dalka baal martay, markay hanti dhawrkii qarankaHawl gab ka dhigtay, marka ninka xukumada xil ka haya ee hantida umada gacanta ku haya booba, cidi xisaaabin waydo ayaa xukumadu kalsoonidii shacabka lumisay.

Imika iyo haatan, M/wayne heshiiska dekada waanu soo dhawaynaynaa, laakiin ( ninka hagoogta xun waxa la moodaa in wax qarsanayo) ee heshiisku hadii aanu la mid ahay kuwaa hore ee laga shakiyay dadka qanci oo heshiiska soo hordhig oo la dood oo maxaa khaldan dheh oo kadaa xadhiga iyo caga juglaynta.

Shacbigu waxay wali Raadinayaan, jabuuti iyo shirkada dubai waxa u dhexeeyay oo qandaraaska qaatay ninka la yidhaa, INA BOORE. Ee ka soomaaliland iyo shirkada u dhexeeyaa waa kuma? Maxaa loo qarinayaa,!!. sheer intee leeg ayuu ku leeyahay ninkan la qarinayo ee madaxwaynaha sheerka ogu jira, hada waa tuhunka jira, waliba waxa intaa dheer, sobobta Danta guud ee dekada Loo diidayaa in la wado arko, waxa la dhawrayaa in danta gaara ay fashilanto.

Isku soo wada duuboo, madaxwayne heshiiska dekada ee shirkada dubia waan u baahnahay waxan ogahay in ilaa 40 dal dekadahooda gacanta ku hayso in aqoonsigii uu soo dhawaaday, waana wixii aad qabatay waxa ogu wayn ee heshiiska danta gaara ka saar haday jirto, hadii kale umada soo hor dhig oo qanci oo qanci inta xidhana siidaa, dadku maanta heshiiska ( duuduub kuma liqi karayo, waxay hubsanayaan dirxi in uu ku hoos jiro), waa,ayo Dekada barbara waa Hayinkii soomaaliland, hada mana rabo in heshiiska jaaniska aan u helay in aan lumiyo oo cadawga diidani farxo, mana rabo in aad xoog ku meel mariso oo horemarkii heshiisku hadimo igu keeno gudaheena.
Gabogabo, m/wayne si heshiisku u hirgalo oo himiladeena u gaadhnoWaxan ku talinayaa laba arimood oo heshiisku si fudud ku hirgali karo,
1; siday xukumadu sheegtay shirkada dpworld ha bilaabaan dekada cusub, 2; mudada dhismuhu socdo haday tan shaqaynaysa ay qalabeyaan, lacagta inta dekada cusubi dhamaanayso ha qaataan boqolkiiba shan iyo sodan , marka dekada cusubi dhamaato ha qaataan boqolkiiba shan iyo lixdan, waa siday aniga ila muuqato in wax ku hagaagayan.
Marxun cigaal, waxan ka hayay waar daaya Total halagu soo dayda oo dalka shirkadaha shisheeye ha maal gashadaan, Siilaanyo maanta haday Riyadii cigaal ku hirgashay oo sadexda gudoomiye xisbi qaran ay ogal yihiin oo baarlamaankuna ok yahay,
dhawr iyo sodanka malooli ee ku dhinac taagan had iyo jeer waxay ku sheegan maaha run ee iska hubi ayan ku leeyahay, malooli geel laguma daro, kuwana shacabka waxba uma sheegi karan ee talada balaadhi oo dadka inta wax tabaysa soo taabo oo ayan cidi Idiin dhaxayn idin kala fogaysa.
Shacbigana hala yaabin, ninka maalintii (mas arka, xadhiga ayuu habeenkii ka boodaa,
M/wayne karoomo iyo sharaf ayad iga mudan tahay waxad qabatay wad ku mahadsan tahay, wixii ka qaloocday ee laguu sheego in aad Toosiso ayaa lagaa sugayaa, hadii lagu dhaliilo wax baa lagu taray, laakiin hadii lagu yidhaa, wax kasdaa waa sax ogaw wax baa lagu yeelay.
Heshiiska wax kasda oo waxyeelaya ka ilaali oo dagaal sokeeye keeni kara ka fogaw, (balaayo af la qabto ayay leedahay laakiin dabo la qabto ma laha.)

ALAA MAHAD LEH

Qalinkii: mawliid Axmed Jibriil

E…… xaqsheeg@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews