Ra’iisal Wasaaraha Dalka Israa’il Oo Ka Bad Baadey Isku Day Dil , Xilli Uu Boqasho Ku Joogo Dal Ku Yaala Bariga Africa
July 8, 2016 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Jariirad ka soo baxda dalka Kuwait oo lagu macacaabo (Kuwait daily ) ayaa waxaa ay daabacdey in Ra’isal wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu uu a bad baaday isku day dil la rabay in lagu khaarijiyo maalintii Salaasada aheyd xilli uu ku suganaa caasimada dalka Kenya ee Nairobi .

Jariiradan oo soo xigatey qof xog ogaal ah oo ka tirsan xukuumada dalka Kenya ayaa waxaa ay intaasi ku sii dartey in la bedelay dariiqii uu mari lahaa Mr. Benjamin Netanyahu ka dib markii sirdoonka yuhuudu ka war helay in halkaasi qarax lagu sii rakibay sidoo kalana waxaa ay jariiradani ay sheegtay in laba qof oo arintaasi loo tuhmey xabsiga loo taxaabay