Dallas(Berberatoday.com)-Shan ka tirsan Ciidamada Booliska magaalada Dallas ee dalka Mareykanka ayaa la dilay, halka lix kalena la dhaawacay, inta lagu guda jiray banaan bax looga soo horjeeday toogasho Booliska maalmihii la soo dhaafay u geysteen dadka madowga ee Mareykanka.
Arrintan ayaa ka dhalatay xiisad, iyadoo dibad baxyo looga soo horjeeday tallaabadaas ay ka dhaceen meelo ka mid ah Mareykanka.