Moqdisho(Berberatoday.com)-Fanaanada caanka ah ee Farxiya Fiska iyo odeygeeda Bashiir Hanuuniye ayaa waxaa ay magaalada Moqdisho gaar ahaan Hotel City Plaza ku qabteen bandhiga faneed ay maal galisay xukuumada dalka Somaliya kaas oo ay gaadhka ka hayeen ciidam faro badan .

Dawlada Somaliya ayaa talaabadan u sameysay sidii ay qurbo jooga ugu qancin laheyn in dalkii nabad yahay isla markaana laga sifeeyey xarakada Al-Shaab