Madaxweynaha Xamar Xasan Sheekh Kulan Qarsoodiya La Yeeshay Raysalwasaaraha Israa’iil
July 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii u horaysay taariikhda, wuxuu kulan qarsoodi ah la yeeshay Raysalwasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu.

Wargeyska ka soo baxa Israa’iil ee The Times of Israel, ayaa shalay baahiyay in xogo uu helay ay xaqiijinayaan in laba toddobaad ka hor uu kulan dhex maray Xasan Sheekh iyo raysalwasaaraha israa’iil.