Siyaasi Cabdi Haybe Oo Ka Digay Dhaawaca Somaliland Soo Gaadhi Kara Haddii Doorashadu Mar Kale Dib U Dhacdo
July 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale-na ka tirsanaa, haddana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Somaliland indho gaar ah caalamku ku eegayo, si gaar ahna loo wada eegayo hirgelinta Dimuqraadiyada iyo Doorashada, waxaanu ku taliyey in aanay Doorashadu wakhtigeeda dhaafin.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale bulsho weynta reer Somaliland iyo dhammaan umadda Islaamka u diray hambalyo Ciidda ah, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Doorashooyin ayaa inagu soo socda, Calaamkuna in gaar ah ayuu inoo eegayaa, waxaana la wada eegayaa oo la naawaliya qaabka aynu ka yeelno Doorashooyinkaas, markaas waxaan ku talinayaa in Diiwaangelinta labada Gobol ee hadhay iyana sida ugu haboon loo qabto, Doorashooyinkana aan wakhtigeeda la dhaafin, walibana waxaan ku talinayaa in Doorashooyinkaasi noqdaan qaar xor iyo xalaal ah,oo si xor ah loo tartamaa, isla markaana la isku kalsoonada, laakiin waxa ayaan daro ah oo aan ka digayaa in Doorashooyinkaasi dib u dhacaan, oo waxaynu ognahay in Xukuumaddana laba sanno xilka loo kordhiyey, mana qaadi karno Doorasho dambe oo dib inooga dhacda, waxaana run ah haddii ay Doorashado dib u dhacdo inay beesha caalamka dhabarka inoo jeedin doonaan, Dimuqraadiyadii aynu ku faani jirnayna waxba kama jiraan bay noqonaysaa, markaas wax walba oo inaga qabyo ah intaas Doorashada ka horeysa aynu iska dhamaystirno”.