berberatoday.com
Warbixin”Xukuumada Kulmiye Tabashada Reer Berbera Yaanay Ubadalin Reer Horumarka Qaranka Diidan Iyo Qabyaalad”Eng Faisal Abdirahman
July 8, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.net)-Mudooyinkii ugu danbeeyay  waxa Gobolka Saaxil ka socday Kacdoon xoogaystay kaas oo saameyey Dhamaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil, wuxuuna Murankan ku salaysan yahay  Wareejin Dakada Berbera, taas oo Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Saaxil khaasatan Magaalada Berbera ay si weyn uga soo horjeesteen Mashruucan ay dabada ka wado Xukuumada Kulmiye oo iyadu hore, wax ay mashaariic horumarineed  ugu magacowday oo aan la  mahadin ay hore uga samaysay Gobolka Saaxil, sida Wareejinta Haamihi Shiidaalka iyo Wareejintii Warshadii korontada, taas oo ay shicibka Reer Berbera arkeen sida Xukuumadan Kulmiye ay dan iyo masuuliyad aanay iskaga  saarin  bulshada Reer Berbera ee deegaankaas ku nool, ahnana Muwaadiniinta xaqa koowaad ku yeelan kara mashaariicda laga hirgalinaayo Gobolkaas, waxaad wada ogsoontihiin in Xukuumada Siilanyo Soo qaadatay 15Milyan oo Xuqul qalin ah waxayna warbaahinta la soo hor istaageen dhamaan Masuuliyiinta Xukuumada Kulmiye  in lacagtaas carabtu xaqul qalinka u bixisay ay ku shubeen qasnada Dawlada laakiiin aan wax masuuliyad ah  aanay iska saarin in lacagtaas in ka mida ay marka hore ku tayac tiraan baahiyaha dawladnimo ee ay Reer Berbera la ildarnaayeen intii ay Somaliland jirtayba sida  Cisbilaaka Berbera oo iminka ah Cisbitaalada ugu liita ee Somaliland ka jira  una baahan adeeg dayactirnimo isla markaana ay ka  carareen shaqaalihii ka shaqayn jiray Cisbitaalkaa iyo  hagaajinta Biyaha Magaalada Berbera oo ay baahi weyn u qabto bulshadu, maadaama ay Berberi tahay magaalo xeebeed aad loogu baahan yahay biyaha iyo laydhkaba si ay magaaladu u noqoto magaalo dadku ku soo hiran karaan , bal hoos ka daawo Bulshada Reer Berbera oo cabasho weyn ka muujinaaya biyo la,aan tahaysata oo aan ilaa wali Xukuumad Kulmiye waxba kaqaban.

Waxa jira baahiyo aasaasi ah oo bulshada Reer berbera ay  tabanayaan,Somalidu waxay ku maahmahdaa Meel hoo u baaan hadal waxba kama taro iyo hadalada ay wadaan Madaxda Kulmiye ee ah waad  badhadhi doontaan , Reer Berbera waa in  helaan waxay xaq u leeyihin ,wixii xaq looga leeyahayna ay qaataan, 15Milyan ee Xukuumada kulmiye ku shubtay qasnada Dawlada ee lagu soo qaaday Magaca Dakadaba Berbera socon mayso dakad la wareejinaayo, ilaa Berbera intay Reer Berberi ka  biyo la,a yihiin caafimaad la,a yihiin, Dawladu hal mashruuc ah oo ay tidhi waan ku qabanayaa 15Milyan ee magaca Dakadaba Berbara lagu soo qaaday  ma jirto aan ahayn Qasnada Dawlada baan ku shubnay.
Daawo Bukaan jiifka Cisbitaalka Berbera iyo cabashooyinka ay qabaan

Daawo isla muuqaalkan kale oo oo muujinaaya Qurba jooga Gobolka Saaxil oo dayac tiraaya Cisbitaalka dhimirka ee  Berbera markii Xukuumada Kulmiye waxba u qaban wayday iyadoo Berberina tahay isha dhaqaale ee Somaliland quudsato waxayna Xukuumada Kulmiye quudhi wayday in ay qabo intaa ay qabteen qurba jooga Gobolka Saaxil.

Shacbiga Berbera ku dhaqan waxay Kalsooni daro weyn ka qaadeen Xukuumada Kulmiye Hadaba Markii ay Xukuumada Siilanyo Wareejisay Haamaha Shiidalka Berbera waxay isla markiiba tijaartii lagu wareejiyey haamaha shiidalku ay eryeen shaqaalihii ka shaqayn jiray Haamaha Shiidaalka Berbera,  waxaana tusaale idiin noqon doonaa Muqaalkan hoose ku xusan  oo muujinaaya mid ka midaa shaqaalihii Haamaha Shiidalka oo markii la eryey, naxdintii uu ka qaaday la dhigay Cisbitaalka Berbea wax qorshe ahnana Dawladu umaysamayn, waana aabo quudin jiray fammily dhan oo isaguun wax ka sugi jireen bal adba maskaxdaada kaasho horu marku, miyaanu ahayn wax soo kordha oo loo baahdo shaqaale kale oo la shaqaalaysiiyo mise waa mid ah kii joogayna ha la eryo.

Ganacsatada  ayaa gooyay lacago kab ahaa oo Haamuhu maadaama ay Berbera ku yaallaan adeegga bulshada lagaga kaabi jiray islamarkaana lacago la siin jiray Dugsiga Sheekh, Jaamacadda Cuulinta Badda iyo Ciyaartoyga gobolka, hase ahaatee shirkaddaha ayaa mid sharcigooda ka baxsan u arkay, kuna dooday in cidday caawinayso xukumaddu xaq u leedahay balse shirkaddu tahay mid gaar ah, Waxayna arinkaasi ay galiysay dadwayna Reer Berbera in ay Xukuumada Kulmiye si gaara ula dagaalamayso oo waxay keentaba ay saamayn laxaad leh u yeelanayso.

la soco qaybaha danbe ee barnaamijkan oo daaha ka faydi doona, Xukumada Kulmiye iyo Cabashada Reer Berbera ee dhagta loo dhigi waayey, Wuxuuna Barjaamijkan si cad u sharaxi doonaa Musuqa iyo Xoolo urursiga ay wado Xisbiga Kulmiye iyagoo  iibinaaya Hantidii Qaranka isla markaana hadalo dhiilo wata ku shaanbadaynaaya Bulshada Reer Berbera oo ah Reer baa horumar diidan oo xoolihi qaanka sheeganaaya.

Eng Faisal Abdirahman.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews