“Faysal Cali Isagoo Qarinaya Guddoomiyenimadiisa Sharci-darada Ah, Ayuu Yidhaahdaa Waa La Isku Haystaa Musharraxnimada Jamaal” Xoghayaha Golaha Dhexe Ee UCID
July 9, 2016 - Written by Berbera Today
Shacabka Somaliland wuxuu mar walba faysal Cali Waraabe ku yidhaahdaa waxaa la isku haystaa Musharaxnimadda Jamaal isagoo Guddoomiyenimadiisa bilaa sharciga ah ee Xeer 14 ka soo horjeedda oo qofna aan u ogoleyn inuu saddex jeer guddoomiye noqdo ku qarinaaya; isagoo runta ka qarinaaya dacwadaha u yaalla ee ay xildhibaanaddii golaha deegaanka iyo Baarlamaanka, madaxdii xisbiga ka golaha dhexe ay ka dacwoodeen. Isagoo awoodii xisbigga ee golaha dhexe ku takri falay, isagoo hantidii xisbigga lunsaday.
Faysal wuxuu u hadlaa sidii madaweyne isaga la doortay ee wuxuu ilaaway in waxa laga hadlayaa ay tahay Xisbi qaran oo la wada leeyahay, markuu leeyahay anigaa wax eryey; sharcigee buu wax ku eryey xeerka xisbigaba kuma taalo e. Waa ninkaa aad arkaysaan isagoo codkiisii iyo muuqalkiisii la hayo wax walba dafiraad cad shacabka Somaliland la hor taagan maalin Ramadaan ah ee cid walba leh xisbigga kuma jiraan sidii oo uu yahay bakhaar yar oo uu leeyahay.