Maxkamad Ku Taalla Jarmalka Oo Xukuntay Rag Soomaali Iyo Tuusiiniyaan Ah Oo Al-shabaab Ka Tirsanaa
July 9, 2016 - Written by Berbera Today
Jarmalka(Berberatoday.com)-Shan Nin oo Saddex Ka Ka mid ahi yihiin Soomaali, ayaa Maxkamad ku taalla Dalka Jarmalku ku ridday Xukun u dhexeeya Saddex illaa Shan Sannadood oo Xabsi ah.
Shanta Nin oo Magacyadoodu kala yihiin Cabdillaahi, Cabdisalaan iyo Cabdiwaaxid oo asal ahaan Somali ah, Steven N iyo Mounir T oo iyaguna ka soo jeeda Dalka Tuuniisiya, ayaa Xeer ilaalinta Jarmalku ku eedeysay inay hore uga barbar dagaalameen Kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqda.
Shantan Nin oo dhammaantood haysta Dhalashada Dalka Jarmalka isla-markaana muddo ku noolaa Magaalada Bonn, ayaa la sheegay inay 2012-kii u safreen Dalka Kenya oo ay uga sii gudbeen dhanka Soomaaliya iyaga oo wata Xaasas iyo Carruurtooda, markaa ka dibna ka qayb-galeen Dagaallo kooxda Al-shabaab la gashay Ciidammada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.