berberatoday.com
Shirkadda Dp World Oo Shan Xunbood Oo Maamula Dekedda Berbera Soo Diraysa 17-ka July+ Xukumada Somaliland Oo Diyaarisay Laba Xubnood Oo Kamid Noqon Doona Todoba Xubnood Ee Maamulaya Dekeda Iyo Dhismaha Dekeddii Cusbayd Oo Meesha Ka Baxday
July 9, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Warar iyo Xoggo la xidhiidha heshiiska Xukuumadda Somaliland la saxeexatay Shirkadda Dp World oo danaynaysaa inay la wareegto Dekedda Berbera, ayaa sheegaya inay Shirkaddu si toosa ula wareegayso Marsada dalka 17-ka July. Waxana sida Wararku sheegayan dalka Somaliland imandoona Khubuuro ka kooban 5 xubnood kuwaasoo ku xeeldheer maamulista Dekeddaha adduunka ee ay shirkaddani maamusho kawasoo hore uga soo shaqeeyey dekeddaha, gaar ahaanna waxay saraakiishani hore uga mid ahaayeen madaxdii shirkadda ee Dekedda Jabuuti ka shaqayn jiray. Sidoo kale waxa iyana wararku sheegayan in Xukuumadda Somaliland ay diyaarisay laba xubnood oo kamid noqon doona todobadda xubnood ee maamuli doona Dekedda shaqaysa ee berbera, walow aan magacyadda labadan xubnoob xoggaha lagu sheegin.
Waxa kaloo Xoggaha la helay tibaaxeen inay aanay Shirkadda Dp World bilaabayn Dekeddii cusbayd ee hore ay Xukuumaddu u balanqaaday inay Shirkadu talaabda koobad ee ay qaadayso ku dhisi doobto Deked cusub. Iyaddoo uu sida uu dhigaayo heshiiskii ay wada galeen  Somaliland iyo Shirkadu ay ugu horreysaa dhismaha dekedda cusub, hase-yeeshe waxa balanqaadkaasi waxa uu waxba kama jiraanka dhigay talaabadan Lagu wareejinaayo Dekeddii shaqaynaysay ee dhaqaalaha kasoo baxa dalka intiisa badan lagu maamulo.
Sidoo kale, waxay xogguhu intaa ku darayaan ujeeddada xaasilka ka ah heshiiskani uu yahay inay shirkadda Dp World ay maamulayso Dekedda dhisan ee Berbera, isla markaana waxa ay wararku sheegayan in dhismaha Dekedda cusub ay Shirkaddu bilaabayaan Saddex sanadood kaddib.
Geesta kale, xaaladda deegaanka ay Dekeddu ku taalo dadweynaha ku nool caruur iyo Ciroole waxay ka midaysan yihiin in aan haba-yaraatee dekedda dhisan ee berbera aanay shirkadda ajanebi ahi maamulin, balse taas bedelkeedda haddii ay shirkaddu dhisayso Deked cusub ay soo dhoweynayaan, waxanay waxgaradka deegaanku dhawr jeer oo isku xigga ay kasoo saareen baaqyo kasoo horjeedda wareejinta Dekedda shaqaysaa ee berbera, walow aanay Xukuumaddu u joojin iskuna dayin inay ku qanciso heshiiska ay la soo gashay shirkadda DpWorld, waxana Xukuumadda Somaliland lagu canaantaa inay ka gaabisay inay bulshadda soo hordhigtay faaiidada heshiiskan ugu jirtaa dal ahaan iyo qodobadda uu ka kooban yahay.
Hadii waftigan ka filaayo todobaadyadda soo socda inay dalka soo gaadhan, waxa laga cabsi qabba inay magaalada berbera oo ay dekeddu ku taalo ka istaadhman giidmo shacab oo ay bulshaddu kaga soo horjeeddo wareejinta Dekedda hadii aan laga gaadhin Xal muuqda arrimaha lagu kala tagsan yahay, waxana magaaladda maalmihii u danbeyey si weyn looga dareemayaa ciidamo dheeraad ah oo amniga sugga oo dawladdu kusii daabulayso gobolka Saaxil.
Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews