berberatoday.com
Guddiga Diiwaangalinta Ururadda Siyaasaddu Deg Deg Ha Ugu Dhawaaqan in Xisbiga UCID Yahay Xisbi Qaran Ama Makhaaxi Faysal Cali Waraabe Leeyahay:
July 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Guddiga Diiwaangalinta Ururadda Siyaasaddu Deg Deg Ha Ugu Dhawaaqan in Xisbiga UCID Yahay Xisbi Qaran Ama Makhaaxi Faysal Cali Waraabe Leeyahay:

 

Guddiga Diiwaangalinta Ururadda Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa in muddo ahba idin horyaala Dacwad miisaankeedu sareeyo oo u dhaxaysa aqlabiyada Xisbiga UCID iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, dacwadaasi dhageysigeedii wuxu dhacay bishii Ramadaan Bilowgeedii, waxa guddi ahaan aad sheegteen in aad go’aan  soo saaraysaan, inkastoo bishii Ramadaan ee barakaysneed aynu ku jirnay  oo dadku cibaadaysanayeen hadana waxa la moodaa in aad la raagteen go’aanka dacwada Xisbiga UCID.

 

Dacwadan Xisbiga UCID dhexdiisa waxaa dhagta u taagaya maqalka  go’aankeeda 120.000 ee taageero  ee Xisbiga UCID codka siiyay, waxa kale oo ka dhursugaya Shacbiweynaha reer  Somaliland iyo Dalalka Somaliland ka caawiya nidaamka Dimuqraadiyada. Waxa la sugayaa go’aankiina in aad sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqdaan kalana cadaysaan in Xisbiga UCID uu yahay Xisbi Qaran oo sharcigiisa lagu maamulo iyo  Dastuurka u yaala iyo in aad cadaysaan in Xisbiga UCID yahay Makhaaxi Faysal Cali Waraabe ku shaqaysto.

 

Run ahaantii xaqu waa u muuqdaa dhammaanba  shacbiweynaha reer  Somaliland, waxa kale oo xaqu u muuqdaa inta wax aqrisa waxna qorta ee aqrisay Dastuurka Xisbiga UCID iyo sida ay u dhaceen heshiisyadii la galay.

 

Guddiga Diiwaangalinta Ururadda SIyaasada ee Somaliland waxaan u sheegayaa in ay dacwadan si dhaqso ugu dhawaaqaan go’aankeeda iyagoo raacaya Cadaalada iyo sharciga Xisbiga UCID u yaala, arrintani  waa arrin muhiim u ah Qaranka Somaliland qaasatan Taageerayaasha Xisbiga UCID ee ku kala  nool Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, go’aanka idinka soo baxa wuxu ka marqaati kaci doonaa cadaalada Guddigiina, wuxu kale oo ka marqaati kaci doonaa heerka Dumuqraadiyadeed ee Somaliland iyo  Cadaaladda ka jirta hay’adda Dastuurku sheegayo in loo geeyo wixii khilaafaad ah ee  ku saabsan Xisbiyada Siyaasadda ee Dalka Somaliland.

 

 

Mr.  Abdulqadir  Mohamed (Cukaashe)

Xoghayaha Saxaafadda Dalka UK Ee Xisbiga UCID

warfaa_101@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews