berberatoday.com
Laacibiinta Dalka Portugal Oo Ku Guulaysatay Koobka Qaramada Yurub Ciyaar Laysla Daalay Kadib+Daawo Sawirada
July 10, 2016 - Written by Berbera Today

Paris(Berberatoday.com)-Xulka qaranka Portugal ayaa ku guulaystay koobka qaramada Yurub ee Euro 2016 kadib markii waqtiga dheeriga ah ku garaaceen xulka qaranka marti galinayay Euro 2016 ee France. Gool kaliya oo uu waqti danbe dhaliyay Eder ayaa Portugal ka caawiyay in ay markii ugu horaysay taariikhda ay ku guulaystaan koobka qaramada Yuruub. Oohintii Cristiano Ronaldo ee dhaawicii soo gaadhay ayaa markii danbe isku badashay oohin farxadeed.

Kulanka kubbada cagta Yurub ugu wayn ee finalka Euro 2016 ayaa kulmiyay xulalka qaramada France iyo Portugal, waxayna martigaliyaasha Euro 2016 ee France ay doonayeen in ay jamaahiirtooda horteeda ku qaadaan koobka qaramada Yurub halka xulka qaranka Portugal ay doonayeen in ay markii ugu horaysay koobkan ku guulaystaan oo ay taariikh abuuraan.

La gran final de la Eurocopa

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa markale soo xushay shax anu waxba ka badalin waxayna ayd kulankii saddexaad oo uu ku ciyaaro shax isku mid ah. Waxaana sidii la filayay weerarka France markale hogaaminayay Antoine Griezmann iyo Olivier Giroud. Halka Samuel Umtiti oo kulankii Germany qaab ciyaareed cajiib ah soo badhigay uu  difaaca dhexe kala ciyaarayay Laurent Koscielny. La gran final de la Eurocopa

Difaaca dhexe ee xulka qaranka Portugal ee Pepe oo kulankii afar dhamadka dhaawac ku seegay ayaa kulankan taam buuxa u noqday wuxuuna ku soo bilawday shaxda Portugal. Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa laba isbadal ku sameeyay shaxdii kulankii Wales, Pepe ayaa badalay Bruno Alves halka William Carvalho uu badalay Danilo.

La gran final de la Eurocopa

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

FRANCE (4-2-3-1): Lloris; Sagna, Koscielny, Umtiti, Evra; Pogba, Matuidi; Sissoko, Griezmann, Payet; Giroud.

Kaydka: Jallet, Rami, Kante, Cabaye, Gignac, Martial, Schneiderlin, Mangala, Mandanda, Digne, Coman, Costil.

PORTUGAL (4-4-2): Patricio; Cedric, Pepe, Fonte, Guerreiro; Mario, William, Sanches, A. Silva; Nani, Ronaldo.

Kaydka: Alves, Carvalho, Moutinho, Eder, Vieirinha, Lopes, Danilo, Gomes, R. Silva, Eliseu, Quaresma, Eduardo.

Warka ugu wayn qaybta hore ee kulankan ayaa aha in kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo dhaawac ciyaarta looga dhex qaaday kadib markii uu waqti kooban garoonka ku jiray. Daqiiqadii 8 aad Ronlado ayuu dhaawac soo gaadhay kadib markii ay kubbad isku qabsadeen xidiga ree France ee Dimitri Payet laakiin Ronlado ayaa dibada lagu soo daaweeyay wuxuuna markale ku soo laabtay garoonka. 

Inkasta oo uu Ronlado isku dayay in uu ciyaarta sii wato haddana waxa ugu danbayn awooday waayay in uu sii ciyaari karo waxaana ugu danbayn ciyaarta laga saaray waxaana daqiiqadii 25 aad lagu soo badalay Ricardo Quaresma. Ronaldo ayaa si wayn uga murugooday dhibta soo gaadhay waxaana garoonka laga qaaday isaga oo ay ilmaynaya.

Haddii aan dib ugu soo laabanayo warbixinta qaybtii hore ee kulankan, waxa ay labada xul qaran awoodi waayeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan laakiin xulka qaranka France ayaa helay fursad cajiib ah isla markaana goolal loo fishay. Portugal ayaa markii uu Ronaldo baxay muujiyay in ayna ahayn xul tiirsan hal ciyaartoy waxayna markooda abuureen fursado fiiican.

DAQIIQADII 9 aad France ayaa ugu dhawaaday in ay hogaanka ciyaarta la wareegaan kadib markii uu Griezmann darbo cajiib ah oo madaxa ah uu ku bartilmaameedsaday  laakiin falcelintii goolhaye  Patricio ayaa ahayd mid ka sii layaab badan iskudaygii Griezmann wuxuuna goolhayaha Portugal ee  Patricio uu France ka beeniyay gool cadaan ahaa.

Moussa Sissoko ayaa si wayn kulankan uga dhex muuqday wuxuuna dhawr jeer isku dayay in uu France goolka furitaanka u keeno wuxuuna dhibaato badan ku abuurayay difaaca xulka qaranka Portugal .Moussa Sissoko ayaa awooda iyo orod badan isku darsaday wuxuuna si xoogan kubbada ula dhex ordayay difaaca xulka qaranka Portugal.

DAQIIQADII 33 AAD France ayaa markale soo qaaday weerar cajiib ah iyada oo Payet uu kubbad fiican xerada ganaaxa Portugal uu ku siiyay  Moussa Sissoko kaas oo farsamo cajiib ah iskaga mashquuliyay  difaaca Portugal laakiin darbo uu goolka furitaanka ku dhalin lahaa ayuu markale  goolhaye Patricio uu si fiican iskaga badbaadiyay, waxayna ahayd fursadii labaad ee ugu halista badnayd oo France qaybtii hore helaan. 

Intaa wixii ka danbeeyay ilaa dhamaadkii qaybtii hore xulka qaranka Portugal ayaa la soo baxay dardar  cusub iyada oo Sanches, Nani iyo Guerreiro ayaa dhibaato badan ku abuurayay difaaca xulka qarnaka France iyada oo khibrada Ricardo Quaresma ay wax wayn ku soo kordhisay weerarka Portugal. Si kastaba qaybta hore ee kulankan ayaa ku dhamaday barbaro gool la’an ah. 

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee kulankan labada xul qaran ayaa soo laabtay iyaga oo doonaya in ay ciyaarta wax ka badalaan waxayna si xoogan ku raadinayeen goolka furitaanka oo mid kasta muhiimad wayn u lahaa.Laakiin waxaa xamaada ciyaarta hoos udhigayay in labada xul qaran ay taxadar wayn ka muujinayeen dhinaca difaaca.

Markii ay ciyaartu isbadal yeelan wayday tababaraha xulka qaranka France ayaa ciyaarta ka saaray  Dimitri Payet wuxuuna kaydka uga yeedhay Kingsley Coman. Tabababre Didier Deschamps ayaa doonayay in uu kooxdiisa dhiig cusub ku shubo si ay dardar fiican ula yimaadan. 

DAQIIQADII 66 aad GOOOOL. GOOL! MAYA.MAYA. Laakiin sidee ayayna gool u noqon?. Jamaahiirta xulka qaranka France iyo shaqaalaha tababarka ayaa sii bilaabay in ay u dabaal degaan waxa uu muuqday goolkii ugu horeeyay ee kulankan laakiin neefta ayaa dib ugu noqotay . 

Saamaynta  Kingsley Coman ayaa markiiba la dareemay wuxuuna dhinaca bidix soo kale jeed jeediyay dhawr xidig oo Portugal ah laakiin karoos qurux badan oo uu soo qaaday ayuu Griezmann si fiican madax ugu darbeeyay waxayna u muuqatay in ay kubbadu shabaqa gashay laakiin wax yar ayay birta sare ka martay.Alla maxay fursad cajiib ah ahayd!.

France ayaa markan noqday xulka qaranka laga filan karayay goolka furitaanka waxayna Portugal bilawday in ay si xoogan u difaacdaan. Daqiiqadii 75 aad markale xulka qaranka France ayaa helay fursad aan la rumaysan karin waxaana markale shaqo layaableh soo qabtay Coman kaas oo kubbad hadiyad ah goolka hortiisa ku siiyay Olivier Giroud laakiin layaabka fursad badbaadinta goolhaye  Rui Patricio ayaa halkeeda ka sii socotay wuxuuna markan badbaadiyay kubbad uu giroud la hortaagnaa. 

DAQIIQADII 80 AAD Xulka qaranka Portugal ayaa helay laba fursadoo oo xidhiidh ah isla markaana ahaa fursadihii ugu fiicnaa ee ay kulankan ka heleen waxaana marka hore fursad layaableh helay Nani oo kubbad qurux badan dhinaca midig ka soo bartilmaameed saday goolka France laakiin goolhaye Hugo Lloris ayaa dirqi hal gacan kubabda goolkiisa kaga joojiay laakiin kubbada ayaa markale u tagtay Quaresma kaas oo isku dayay in uu laba lugoodley ku dhaliyo goolka balse markan Hugo Lloris ayaa diyaar ahaa. Alla maxay markan Portugal goolka furitaanka ku dhawaadeen!.

Xamaasadii laga doonayay kulan final ah ayaa hadda si dhab ah loo dareemay waxayna xaaladu noqotay mid wadno xanuun ah. Daqiiqadii 85 aad markale France ayaa helay fursad gool lagu dhalin karay kadib markii uu Moussa Sissoko darbo ka soo tuuray meel aad uga baxsanayd xerada ganaaxa Portugal waxaana kubbad dirqi iskaga dhirbaaxay isla markaana goolkiisa ka badbaadiyay goolhaye Rui Patricio.

MALAHA AJAL AYAA U LAABAN!! Daqiiqadii 92 aad ee dhamadkii ciyaarta waxay u muuqatay in waxkastaaba ay soo dhamaadeen isla markaana ay France hanteen koobka qaramada Yurub laakiin sidaa waxba ku may dhamaane waxay noqotay wax la soo dhaafay isla markaana taariikh noqday. 

Andre-Pierre Gignac ayaa dhulka dhigay difaaca Portugal ee Pepe wuxuuna si fiican kubbada u hoosmariyay goolhaye Rui Ptrico laakiin birta goolka ayaa France ka beenisay goolkii ay koobka ku qaadi laaahaayen isla markaala waqti dheeri ah looga baaqan lahaa. Qof kastaaba waxa uu u qaatay in Portugal ay ajali u laaban tahay. Haddii aan hore u soo sheegtay in halis badani ay jirtay iska ilaw wixii hore fursada Andre-Pierre Gignac ayaa ahayd fursadii ugu cajiib sanayd. Waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta ayaana ku dhamaday barbaro gool la’aan ah.

WAQTIGII DHEERIGA AHAA: 

Bilawgii waqtiga dheeriga ahaa Pepe ayaa ugu dhawaaday in uu goolka furitaanka udhalyo Portugal kadib markii uu si xoogan madax ugu darbeeyay kubbad laaga xorta ah oo la soo tuuray laakiin inkasta oo ay darbadiisa wax yar u martay goolka haddana calanwadaha ayaa tilmaamay in Portugal ay offside ku jireen. Ronaldo ayaa markii danbe soo fadhiistay kurisga kaydka isaga oo u muuqday in uu dareenkiisa soo dajiyay.

DAQIIQADII 103 aad Portugal ayaa markale helay fursad cajiib ah isla markaana gool loo fishay kadib markii uu Quaresma koorne soo tuuray waxaana fursad cumarigiiba hal mar ah helay Eder laakiin goolhaye Hugo Lloris ayaa markan sameeyay badbaadin layaableh si uu ciyaarta gool la’aan ugu sii  hayo. 15 kii daqiiqo ee hore ee waqtiga dheeriga ahaa ayaa ku dhamaaday gool la’aan.

Labada xul qaran ayaa 15 daqiiqo oo kaliya u jiray hanashada koobka qaramada Yurub, waxayna markale bilawdeen in ay dagaalka sii wadaan. Daqiiqadii 106 aad  Laurent Koscielny ayaa kaadhka digniinta ah lagu siiyay in uu kubbad gacan ku dhuftay laakiin muuqalada iyo sawirada danbe ayaa muujiyay in Eder uu kubbada gacanta ku dhugtay. Portugal ayaana kubbada loo dhigay meel halis ah, kubbada laaga xorta ah ayaa birta goolka France ku dhacday waxana kubbada isa soo dhaafiyay halista.

WAQTIGII CIYAARTA: GOOOOOOOL GOOOOOL!. Xulka qaranka Portugal ayaa ugu danbayn jabiyay ismari waagii waqtiga dheer soo taagnaa waxaana gool qurux badan indha aduunka ku xaday  Eder kaas oo kubbad joog hoose ku socota ka darbeeyay meel ka baxsanayd xerada ganaaxa France, goolhaye Hugo Lloris ayaa ku fashilmay in uu goolkiisa ka joojiyo kubbadan waxayna

Goolkan ayaa wadnaha gooyay xulka qarnka France waxayna u muuqdeen kuwo garan waayay sidii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahaayeen. Inkasta oo ay France isku dayeen in ay dadaalkooda laba jibaareen haddana waxay ka shalaynayeen fursadihii tirada badnaa ee ay lumiyeen waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Portugal ku qaadeen koobka qaramada Yurub ee Euro 2016.

 

https://youtu.be/52hV9FkXFIM

 

 

Berberatoday.com

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews