berberatoday.com
Nin Ay Walaalo Yihiin Taliyihii Lagu Dilay Buuralayda Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Caseyr Oo Maanta Lagu Qabtay Baaskoolad Goobtii La Keenay Eedeysanayaashii U Xidhnaa Kiiskaa Iyo Xukuumadda Oo Sii Daysay
July 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Nin ay Walaalo yihiin Taliyihii hore ee gobolka Saaxil ee la toogtay Alla ha u naxariistee Marxuum Casayr oo ku hubeysan Baastoolad ayaa maanta isku deyey inuu Xoog kusoo galo Isaggoo Hubeysan Maxkamadda Ciidamada Militeriga Somaliland oo ay ka socotay dhegeysiga Eedeysanayaashii ku eedeysnaa Dilkii Taliyihii gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Casayr oo ay Dablayda hubeysani ku toogteen Buuralayda gobolkaa.
Ninkan oo Magaciisa lagu sheegay Casuur Yuusuf Maxamud ayaa la sheegay inuu isku dayey markii Maxaabiista la dejinaayey Gaadhiga uu xoog ku galo, gudaha saldhigga dhexe oo ay dabaqa sare ka socotay dhegeysiga dacwadaasi, ayey u suurogeli weyday markii hore. Balse sida ay xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan waxa uu markii danbe soo raacay 10-qof oo dhinaca dhibanaha loo ogolaaday inay goob joog ka noqdaan kaaskan. 
Hase-yeeshee Casuur Yuusuf Maxamud . Ayey Ciidamada Boolisku qabteen isaggoo ku hubeysan Baaskoolad, waxanay markiiba Ciidamadu intaa ay ka qaadeen hor-geeyeen horgeeyen Garsoorihii Kiiskan Gacanta ku hayey, iyagoo u sheegay ficilka uu sameeyey Ninkani iyo Hubka uu sitay.
Garsooraha Kiiska oo lagu magacaabo Yuusuf Geerash ayaa la sheegay inuu amray in la sii daayo Ninkaa, isla markaana loo celiyo Baaskooladda. Waxana xoggaha ay shabakadda laaleys heleyso intaa ku sareen in Ciidamaddu sii daayeen una celiyeen Baaskooladii oo xitaa aan sharci lahayn goobta lala yimina ahayd goob hubka sharcidarada ah ka caagan oo maxkamad coodan ah
Qaar kamid ah goob-joogayaashii shalay xaadirka ahaa oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in Ninkani damacsanaa inuu dilo qaar kamid ah Maxaabiista xidhan ee Kiiskoodu ka socday Maxkamadda Ciidamada Somaliland qorshihiisuna sidaas ahaa balse ciidamada amaanka ee Maxkamada ilaalinaayay fashiliyeen.
Xigaasho laaleysnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews