berberatoday.com
Saansaan Colaadeed Oo Ka Taagan Degmooyinka Ku Teedsan Xuduudka Togdheer La Wadaago Itoobiya Oo Liyuu Boolisku Mar Kale Ku Soo Xad-Gudbeen Iyo Boqollaal Shacab Ah Oo Is-hubeeyay
July 10, 2016 - Written by Berbera Today

Ciidammada Somaliland Oo Liyuu Booliiska Kililka Shannaad Ugu tagay Gudaha Degmada Xaaji Saalax Ee Gobolka Togdheer, Tallaabadii Ka Dambeysay Iyo Xog-warranka Badhasaab ku-xigeenka Togdheer Oo Kormeer Ku Tagay Xaaji Saalax, Duruqsi Iyo Xerada Gubato-Xil.

 

Xaaji-Saalax(Berberatoday.com)-Sansaan Colaadeed baa ka taagan Deegaannnada Xaaji-Saalax, Duruqsi iyo Xerada Gubata-xil oo ka mid ah Deegaannada Gobolka Togdheer ee ku teedsan Xuduudka Somaliland la wadaagto Dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay ku soo Xad-gudbeen Ciidammada Liyuu Booliiska ee Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Ciidammada Liyuu Booliiska oo wata Gaadiidka Qaada Ciidammada iyo kuwa Tiknikada ah, ayaa gudaha u galay deegaannada Xaaji-Saalax, Duruqsi iyo Xerada Gubata-xil ee Gobolka Togdheer, taasina waxay keentay in Dadweynaha ku dhaqan halkaasi ka cadhoodaan isla-markaan is urursadaan, si ay dagaal ula galaan Ciidammada Liyuu Booliiska, laakiin Maamulka Gobolka Togdheer oo Xaaladdaasi ogaaday ayaa kormeer ku tagay deegaannada Xaaji-Saalax, Duruqsi iyo Xerada Gubata-xil, waxayna halkaa kula kulmeen Maamullada Deegaannadaasi iyo Dadweynaha is-hubeeyay oo ay ka xog-wareysteen Xad-gudubka Ciidammada Liyuu Booliisku ku sameeyeen Deegaannadaasi.

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Burco, ayaa faahfaahiyey waxay ku soo arkeen Deegaannada Liyuu Booliisku soo galeen ee gudaha Somaliland, waxaanu yidhi, “Anigoo ah ku simaha Badhasaabka Togdheer, Abbaanduulaha Qaybta 12-aad ee (Ciidamada Qaranka), Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Togdheer iyo Taliyaha Ciidanka Koofiyad Casta iyo Ciidamo iskugu jira Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Booliska, intayadaas ayaa Safar kedis ah u baxnay markii Dadweynaha Somaliland ee Xadka Deggani soo sheegeen in lagu soo xad-gudbay oo Ciidammada Liyuu Boolisku ay soo galeen Gudaha Somaliland, iyadoo Ujeeddada aanu u tagnayna ahayd inaanu u tagno Dadka Reer Somaliland ee la cabsi geliyey, Xog-ogaalna u noqonno waxa meesha ka jira.”

Badhasaabku waxa uu sheegay oo kale, “Markii u horeysay waxaanu tagnay Xerada Gubato-xil, waxaanu u tagnay Dadkii Meesha Degganaa oo Yoonyoonsan, waxaanu u gudubnay Duruqsi. Maamulka Degmada Duruqsi waxay noo sheegeen inay Magaalada soo galeen Gaadhi weyn oo Ciidan badan oo Liyuu Booliis ahi saaran yahay iyo Gaadhi yar, Laba Gaadhi oo kalena Xuduudka galeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Duruqsi isku urursadeen Dadweyne iskaga kala yimid illaa lix tuulo, kuwaasi oo doonaya inay la dagaalamaan Ciidanka Liyuu Booliiska Kililka Shannaad ee Itoobiya, “Duruqsi waxaanu ugu tagnay Ciidan illaa 200 iyo dheeraad ah oo Meesha isku urursaday oo ah kuwii Degganaa illaa Lix Tuulo, Dabadeedna Dadweynihii oo hubeysan oo Cadheysan baanu u tagnay,  waxaanu ku nidhi Annaga ayaa Dawladdiiya oo arrinka gelayna ee Nin Walowba Degmadaadii tag oo Ciidankiina celiya, Waayo waxaanu diiddanayn inay wax dhacaan, maaddaama oo Dagaalku ballaadhanayo Haddii Labadaa boqol meel ku habsadaan.”

Badhasaab Ku-xigeenka Togdheer, waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inay Ciidammada Liyuu Booliiska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ugu tageen iyaga oo ku sugan degmada Xaaji Saalax ee gudaha Gobolka Togdheer ee Somaliland, “Markaasi ka dib waxaanu u gudubnay Xaaji Saalax, waxaanu ugu tagnay Ciidanka Liyuu Booliiska oo Guryaheenna ku jira oo Biyo ka dhaansanaya Baraagihii Magaalada Gudaheeda, Cidna aan waxba iskaga tirinayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Markaas ka dib, ayay Ciidammada Somaliland isku dayeen inay Qoryaha ka dhigaan Liyuu Booliiska, wayna Eryadeen oo waxay u gudbeen Xadkooda.”

Badhasaab ku-xigeenku waxa uu sheegay, “Waxaanu Mitirinay Xadkeenna inta Ciidammada Liyuu Boolisku soo galeen, waxayna soo galeen 18KM oo buuro ah.”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews