berberatoday.com
Tacsi:Xisbiga Kulmiye oo Tacsiyadeynaaya Oday Cabbaas Idiris oo hore loo odhan jiray John Drystel oo ku geeriyooday maanta oo taariikhdu tahay 10/07/2016.
July 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

cabaasXisbiga Midnimada, Nabadda iyo Horumarka JSL (KULMIYE)
July 10, 2016
UJEEDDO: TACSI
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha kala duwan ee xisbiga ee kala ah; Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Garabyada xisbiga, laamaha dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland iyo guud ahaan shucuubtooda geerida ku timi Oday Cabbaas Idiris oo hore loo odhan jiray John Drystel oo geeriyooday oo geeriyooday maanta oo taariikhdu tahay 10/07/2016.
Oday Cabbaas Idiris oo ahaa muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska, balse ku noolaa Somaliland ilaa sannadkii 1943-dii oo uu yimi isagoo askari ah xilligaas oo Somaliland ahayd maxmiyad uu xukumi jiray Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana markii dambe qaatay dhalashada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena qaatay diinta Islaamka sannadkii 2009-kii, waxa uu ahaa aqoonyahan buugaag badan ka qoray taariikhda Somaliland, waxaannu muddo badan madax ka ahaa hay’ad la odhan jiray Cadastral Survey oo ka shaqayn jirtay dhinaca beeraha.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Oday Cabbaas Idiris nin wax badan ka qoray taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, kaalin wayn ka soo qaatay horumarinta wax-soo-saarka Somaliland, gaar ahaan beeraha oo uu in badan ka shaqaynayey mashaariic lagu taageerayey.

Ugu dambayntii, waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYEcabaas

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews