Ujeeddada Wefti uu hoggaaminayo Talliyaha Ciidanka Booliiska Ay Ku Tageen Gobolka Sanaag
July 10, 2016 - Written by Berbera Today
Sanaag(Berberatoday.com)-Talliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa kormeer shaqo ku tagay Caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Talliyaha, Waxaa dulleedka magaalada Ceerrigaabo kusoo dhaweeyay qaar ka mida masuuliyiinta Gobolkaas iyo talliyaha Qaybta ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallaay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay kormeerka uu ku yimid Gobolka Sanaag Taliyaha Ciidanka Booliisku si loo adkeeyo nabadgalyada maadaama ay ka bilaabayso Diwaangalinta codbixiyayaasha Doorashada Somaliland.