War Deg-Dega”Ciidamada Booliiska Hargeysa Oo Goordhaweyd Xabsiga U Taxaabey Gudoomiyihii hore Ee Degmada Laasgeel
July 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliiska Magaalada Hargeysa ayaa goordhaweyd xabsiga u taxaabey gudoomiyihii hore Ee Degmada laasgeel Ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Muuse Cabdi.
Sida ay u xaqiijiyeen goobjogayaal ku sugnaa goobtii ciidamada booliisku ay qabteen Oo Ku taal xaafada 150 Ee magalada Hargeysa, ayaa shabakada Mandheera u xaqiijiyey Xadhiga Gudoomiyaha.
Sidoo kale Waxay ku Dareen in Ciidankan qabtey gudoomiyihu ay saarnayeen labo xaajiyadood,islamarkaasina ay isweer ka qanteen goobta laga qadhiyey gudoomiye Axmed Muuse,kuwaasi Oo Si argagax leh Gudoomiyaha uga dhex qafaashey Marfashkii uu ku sugnaa, waxaana la sheegay in gudoomiyuhu uu ku tiraabayey waaran maxakamadeed miyaad sidataan,BALSE dhag aaney ciidamadu u jalaqsiinin.