berberatoday.com
Fooraha Dabaysha Mudo Kordhinta Labaad oo Madaxtooyada Ka Socota, Mushxarada Golaha Wakiilada iyo Mugdiga Ay Galin karto Dimuqraadiyada Somaliland….!
July 11, 2016 - Written by Berbera Today

GacayteeeMaalmihii u danbaysay waxa Qasriga Madaxtooyada Somaliland kasoo kacayay dabaylo iyo dabaal deg lagu dalbanayo mudo kardhintii 2aad ee loo sameeyo xukuumada madaxweyne Siilaanyo. Waana qorshe ay ka midaysan yihiin lamaanta is barkan ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada oo ah inaanay dalkan doorasho ka dhicin, Waxaanay ku timid kadib markii Golaha Wakiiladu ansixiyeen in isku mar la qabto Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada.

Qabyadii jirtay 12 sano ka hor ee Xeerkii Doorashada Golaha Wakiilada Siiba Qodobka saami qaybsiga kuraasta ayaa maantana u sabab ah dib u dhac marlabaad ku yimaada doorashooyinka. Golaha Wakiiladu waa 12 jir waxaana la doortay 5 sano, mudadii ay sharciga ku fadhiyeen waxa ka badan mudada sharci darada ay ku joogaan oo waliba sii quudaraynayaan inay iska sii fadhiyaan. Maanta waxa u ekaa inay is qariyaan oo shacabkii soo doortay ay ka xishoodaan, may ahayn maanta indho adkaan lasoo taagnaadaan oo ay afkooda kasoo baxdo mudo kordhin laba sano ah ayaanu rabna..Subxaanaka Yaa Cadiim..! Waxaana muuqata Isa saarka labada doorasho inuu ahaa Jarre la sii dhigtay si aanay dalkan wax doorasho ahi uga dhicin. Hadaba doorashadii madaxtooyada wax caqabad ahi kuma taalo, balse tan Golaha wakiilada oo muran ka taagan yahay Qodob ka mid ah Xeerka Wakiilada oo ah Saami Qaybsiga Kuraasta ayaa noqday foodsaaraha koowaad ee loo daliishanayo mudo kardhinta.

Hadaba waxa iswaydiin leh suurta gal ma noqonaysaa hadii la yidhaa hala kala qaado labada doorasho, oo hala soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada, taasi aniga aragtidayda waxay ila tahay Maya..! Lamaantan is barkani horeba waxa heshiis loogu ahaa in wax lawada qabo oo mar uun meesha lagawada tago, danta guudna la tuuro danahooga gaarka ahna laga wada shaqeeyo. Madaxweyne Siilaanyo go,aan wuu ka qaadan karaa Muranka Saami Qaybsiga Kuraasta kuna qancin karaa cid kasta oo tabasho ka qabta si doorasho dalka uga dhacdo mase doonayo oo dantiisu kuma jirto, murankiina wuxuu dib ugu soo celiyay Golaha Wakiilada oo wax laysku ogyahay iyo axsaabta qaranka oo marka horeba ay madaxtooyadu gacanta ku haysay wixii ay soo saaraana yahay uun rabitaanka Madaxweyne Siilaanyo.

Xaalku wuxuu soo fadhiisan doonaa inaan lakala qaadi karin isa saarka labada doorasho, xataa hadii lasoo dhigo mooshin lagu kala qaadayo waxa ka hor iman doona xildhibaanada muxaafidka oo aqlabiyada golaha ah, iyagoo difaacaya danta xukuumada sidii ay meesha usii wada joogi lahaayeen lamaantan is barkan ee ku mamtay hantidii umadu wada lahayd iyo xaalufinta kaabayaashii dhaqaalaha dalka oo ay ugu danbayso Dekedii Berbera. Hadaba si loo dhamaystiro qabyada xeerka golaha wakiilada waa in la helo mudo kordhin sanad ah waxaanay Golaha wakiiladu qalinka ku duugi doonaan mudo kordhin sanad ah. kadibna waxay u gudbinayaan Golaha Guurtida oo iyaguna sidii looga bartay sanadkii labaad duuduub ku ansixin doona hadaanay laba sanadoodba ku darin. Hadii ay sidan wax u dhacaan Somaliland waxay waajihi doontaa caqabado iyo culuys badan oo kaga yimaada beesha caalamka iyo wadamada ka caawiya dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyada.

Ilaahay sidii khayr ku jiro hayna waafajiyo

Guul iyo Gobanimo

Mohamed Gacayte
Saxafi madaxbanaan oo Falanqeeya Arimaha Bulshada iyo Siyaasada
Gacayte09@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews