berberatoday.com
Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Madaxweynaha Turkiga, Hoggaamintiisa Iyo Saamaynta Uu Caalamka Ku Leeyahay
July 11, 2016 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Rajab Dayib Ordogan haddii aan Dib u Milcsano Taarikhdiisa waxaa uu dhashay 26 February Sanadkii 1954 kii wuxuu ku dhashay Magaalada Istanbul, Yaraantisii waxaa uu ku soo barbaaray Qoys Diinta aad u yaqaan walow ay noloshoodu ahayd mid aad u adag taasina waxay keentey Ordogan in galina uu wax Barto Galina uu Suuqa ku iibiyo Xabxab.

Wuxuu noloshaa adag ku soo jiraba waxaa uu dhamaystay Dugsigiisii Sare kadib waxaa uu helay jamaacad isagoo Bartay Culuumta Dhaqaalaha, wixii waqtigaa ka dambeeyay waxaa uu noqday nin firfircoon oo siyaasadda Miisaan ku leh, waxay sameeyeen isaga iyo saaxiibadii dhawr  Xisbi ka dibna way ka  Burbureen. Wuxuu raftaba Waxaa uu ka mid noqday Xubnaha ugu muhiimsan Xisbiga uu haatan ka tirsan yahay ee Cadaalada iyo Horumarinta.

Intii uu Xisbigaa ka tirsnaa waxaa loo doortay inuu noqdo Duqa Magaalada Istanbul waxa  intii uu hayay Xilkaas ka badalay  wax wayn Caasimadda istanbuul ha noqoto dhinaca Nadaafadda, Waxbarashada, Biyaha iyo Korontada.

Markii uu noqdey Guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta waxaa uu saddex jeer ku guulaystay in Waddankaasi uu ka noqdo Raiisul Wasaaraha waxaa uu isbadal uu ku sameeyay Dhaqaalihi Waddankaasi oo uu kor u qaadey Boqolkii ba11 ,wuxuuna yeeshay Taageero Badan , Ordegan waxaa uu sumacad ku dhex leeyahay wadamada Yurub, Aasiya, Carabta iyo Afrika.

Waxaa uu u ololeeyaa sidii Falastiiniyiintu ay u yeelan lahaayeen Dowlad u gaar ah, waana mida keentay in dhawr jeer uu Cambaareeyo falalka Guracan ee ay Israaiil kula kacayso Falastiiniyiinta, sidoo kale waxaa lagu xasuustaa sida uu isku garab taagay dadka ku Go’doonsan Marinka Gazza oo dhowr jeer uu u geeyay Daawooyin iyo Raashin kala duwan.

Sannakii hore ayuu waxaa uu noqdey ama loo doortey Madaxweynaha Turkiga taasina waxay yididiilo gelisay in Ordogan uu sii balaadhiyo Xidhiidhka uu la leeyahay Waddamo badan oo Afrika ugu horayso waxaana la sheegey in uu ka hormari doono Waddanka Faransiiska oo 34 Safaaradood ku leh Wadamada Afrika halka waddanka Turkigu uu ku leeyahay 28 Safaardood , waxaana la filayaa in sanadaha soo socda uu meel sare ka gaadhi doono Xidhiidhka Qaaradda Afrika waliba sidoo kale Xowli ku dhaafi doono dalka Shiinaha oo galaangal Xoog leh ku leh Qaarada afrika.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews