Qaramada Midoobay Oo Go’aan Kasoo Saartay Xaaladda Koonfurta Sudan
July 11, 2016 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa hogaamiyayaasha siyaasadda ee Sudaanta Koofureed ku booriyay inay xakameeyaan ciidamadooda.
Dalkaasi waxaa dib uga qarxay dagaal boqollaal qof ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Juba.
Go’aan aan loo kala harin ayuu golaha amniga ku muujiyay carada ay ka qaadeen weerar lagu qaaday dhismaha Qaramada Midoobeey iyo dad rayid ah.