berberatoday.com
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Minnesota, ayaa casho sharaf maamuus iyo is-xogwaraysi ah u sameeyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar( + Sawiro)
July 11, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

13631532_264016527295407_5757436709384304004_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Minnesota (Berberatoday.com)- Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Minnesota, ayaa casho sharaf maamuus iyo is-xogwaraysi ah u sameeyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar kadib markii uu dhawaan si rasmi ah ugu biiray xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE.
Casho-sharaftan oo ahayd mid lagu soo dhawaynayey, laguna hambalyeynayey Prof. Samatar waxay ka dhacday hoolka Green Valley Buffet oo ku taala Fridley Minnesota, waxaanna ka qaybgalay masuuliyiinta xisbiga ee Minnesota iyo taageerayaasha xisbiga ee laanta Minnesota.
Masuuliyiin iyo xubno ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Minnesota oo hadallo ka jeediyey xafladda, ayaa dhammaantood hambalyo iyo soo dhawayn isku daray Prof. Samatar, iyagoo sidoo kalena ka warramay kaalinta taageerada qurba-joogga ee xisbiga ku leeyihiin iyo siday u barbartaagan yihiin.
Mr. Jaamac Cabdi Kariim Aw Cali oo ah ganacsade ka soo jeeda Gobolka Sool oo xafladda ka hadlay, ayaa madasha kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah ugu biiray xisbiga KULMIYE, isagoo ammaanay waxqabadka xukuumadda talada haysa ee KULMIYE ka samaysay dalka.
Ugu dambayntii, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ka sheekeeyey sababaha xisbiga KULMIYE uu ugu biiray oo uu xusay inay saldhig u yihiin; isfaham dhexmaray hoggaanka xisbiga iyo waxqabadka muuqda ee xukuumaddiisu qabatay intii ay talada waddanka haysay oo uu tusaalayaal ka soo qaatay waddooyinka, garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo qaar kale.

13654192_264016547295405_7329434903026511616_n
Prof. Samatar waxa uu sharraxay faa’iidooyinka ku jira maalgashiga dekedda Berbera iyo casriyeynteedu u leeyahay dalka oo uu tilmaamay inuu yahay mid waxtar aan la soo koobi karin soo kordhinaya, waxaannu ugu baaqay shacabka inay soo dhaweeyaan.
Waxa kaloo uu u mahadnaqay masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga laanta Minnesota, gaar ahaan Abubakar Jibriil oo suurtogaliyey casho sharafta loo sameeyey.

 

13592668_264016560628737_1561199448664429064_n

COMMENTS
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews