berberatoday.com
Waftigii Xisbiga Wadani Ee Uu Hogaaminaayey Cabdiraxmaan Ciro Oo Ka Hilaacay Gobalka Sanaag Iyo Reer Gar-Adag Oo Ku Qaabilay Soo Dhaweyn Fooladeyn Ah + (Sawiro).
July 11, 2016 - Written by Berbera Today

Gar Adag(Berberatoday.com)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga Mucaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro isla markaana ay ku wehelinaayeen  saraakiil sar sare oo ka tirsan xsbigaasi iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ay xalay abaaro  3:00 habeenimo ay ka soo guureeyen  magaalada Hargeysa

1

2

3

Gudoomiye Ciro iyo waftigan uu hogaaminaayo ayaa waxaa ay u soo kicitimeen dhinaca gobalka Sanaag oo la filaayo in ay dhawaan  ka bilaabmato diwaangalinta cod bixiyaasha Somaliland .

4

Markii uu waftigani soo gadhay magaalada Gar Adag oo ka tirsan gobalka Sanaag ayaa waxaa uu waftigu uu halkaasi kala kulmay soo dhaweyn aad u balaadhan isla markaana u muuqatey mid dhoolatus u ah , banaanka soo dhigtay taagerada ay rer Garad Adag u hayaan Xisbiga Waddani .

5

Dadweynaha rer Gar -Adag ayaa waxaa ay waftiga uu hogaaminaayo gudoomiye Ciro ay kaga hor tageen meel duleedka ka ah magaalada Gar-Adag waxaana ay  ku soo dhaweyeen fardo iyo gawaadhi ay buux dhafyeen mawjado Tageerayaal ah waxaana loo soo galibiyey waftigan goobta uu ku yaalo geedka caanka ah ee Garad -Adag isla markaana hadimo sharaf loogu maamusay halkaasi loogu qabtey

6

Rer Gar-Adag ayaa waxaa ay ugu horeyn ay gudoomiyaha halkaasi ku gudoonsiyeen Faras lagu Magacaabo (Xiin-Finiin ) isla markaana waxaa ay madasha ka cadeyn in goobtani ay tahay goobti madaxweyne siilanyo laga doortey maantana Gudoomiye Ciro u garteen in isna halkan laga si caleemo saaro.

7

Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo gabo gabadii madashaasi ka hadley ayaa waxaa uu dadweynaha rer Gar -Adag Uga mahad celiyey soo dhaweynta balaadhan ee ay maanta ku qaabileen   , waxaana uu sheegay  gudoomiyuhu in uu tageeradaas iyo mid ka sii weynba uu ka sugaayey Rer Gar Adag  b safarkan ay maanta ugu yimadeen mid olale balse uu yahay mid ay dadweynaha ku wacyi galinayaan in ay qaatan kadhka diwaangalinta cod bixiyaasha oo dhawaan la bilaabi doono gobalkaasi

8

Si Kastaba ah ahatee waftigan ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ay cagta soo dhigaan deeganada xuduuda ee gobalka Sanaag si ay ugu soo wacyi galiyaan qaadashada kaadhka diwaangalina cod bixiyaasha .
9101112131415161718192021222324252627282930

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews