berberatoday.com
Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Xukuumaddu Qorsheynayso In Mar Kale Muddo Kordhin Loo Sameeyo
July 11, 2016 - Written by Berbera Today

“In Xubno ka tirsan Wasiirrada Xukuumaddu ka shaqeeyaan sidii mar kale Xukuumaddu Muddo kordhin u heli lahayd waxaanu Qariibsan karno Maaha..” Afhayeenka WADDANI – Wareysi

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI , ayaa ka hadlay Warar soo kordhaya oo sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dedaal ugu jirto sidii mar kale loogu samayn lahaa Muddo Kordhin.

Xisbiga WADDANI oo Wargeyska Himilo waydiiyey dareenkooda ku aaddan Wararka sheegaya in Xukuumaddu doonayso inay Mar kale Muddo kordhin loo sameeyo, ayaa sheegay in aanay Qariibsanayn in Wasiirro Xukuumadda ka tirsani ka shaqeynayaan sidii mar kale Madaxweynaha Muddo kordhin loogu samayn lahaa, laakiin Mucaarad ahaan ay mar walba gaadhka ka hayaan sidii Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu wakhtigii loo qoondeeyay ugu qabsoomi lahaayeen.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa waxay kala socdaan Wararka soo kordhaya ee sheegaya in Muddo kordhin la abaabulayo iyo waxa uga meel yaalla Xisbi ahaan, ayaa yidhi, “Runtii Aad iyo aad ayaanu u kormeeraynaa in Doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto, oo aanu Hadallada Xukuuumadda iyo Ballan-qaadyadeediina ku ilaalino.”

Afhayeenka WADDANI, waxa uu sheegay in aanay qariibsanayn in Wasiirrada Xukuumadda qaarkood abaabulaan Muddo kordhin kale, “Xukuumaddani ma wada socoto, ee way kala socotaa, markaa in Xubno ka tirsan Wasiirrada Xukuumaddu ka shaqeeyaan sidii mar kale Xukuumaddu Muddo kordhin u heli lahayd waa Suurto-gel oo wax aanu Qariibsan karno Maaha, laakiin waxaanu sheegaynaa inaanu Gaadh Dable ka hayno sidii Doorashooyinku Wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen.”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews