berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Caddeyn Kari Wayday Mowqifka Ay Ka Taagan Tahay Liyuu Booliiska Kililka Shannaad Ee Xuduudkeeda Soo Gala
July 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay Ciidammada Liyuu Booliiska ee Kililka Shannaad ee Itoobiya oo Si Sharci daro ah ku soo galay Xuduudka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxa uu kala socdo Ciidammada Liyuu Booliska ee sida Sharci Darada ah ku soo galay Xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya, ayaa ku jawaabay, “Somaliland haddaynu nahay Dawlad baynu nahay, Itoobiyana Xuduud baynu leenahay oo ixtiraam baynu isku leenahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Ciidammada Somaliland markay Xuduudka Itoobiya u tallaabayaan fasax ka qaataan Dawladda Itoobiya, “Ciidammada Somaliland way ka tallaabaan Xuduudka Itoobiya oo waxay ka soo qabtaan Dambiilayaasha oo Fasax baan u qaataa in Ciidanka RRU-du u tallaabaan Xuduudka Itoobiya, laakiin Itoobiya Xuduudka Somaliland Sharci Daro kuma soo geli karto.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey Sheekh Aadan-sunne oo xidhan Muddo laba Bilood ku siman iyo Fannaan lagu Magacaabo Farxaan oo isaguna xidhan, “Miyaad Diiddan tahay in Qofkii dambi-gala in la xidho ?, markaa hadday Dambi galeen la iska hayn maayo ee Maxkamadda ayaa la geynayaa oo Kiiskooda ayaa la qaadayaa, haddayna Dambi-gelina iyaga oo Muxtarim ah ayay halkaa ka baxayaan, Somaliland oo dhamina waa sidaa, Sheekhuna waa Sheekheennii, Fannaankuna waa Fannaankeenii.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews