DP World, Siilaanyo, Cirro, Faysal, Muuse Biixi Iyo Mudda Kordhinta Xiisaha Laba Kaclaynta Xukuumadda
July 12, 2016 - Written by Berbera Today
“Doorashadayada Hala Horaysiiyo, Madaxweynahana Laba Sano Ha Loo Kordhiyo”
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiiladda ayaa sheegay inay lama huraan tahay in Madaxweyne Siilaanyo loo kordhiyo laba sano oo kale marka uu dhamaado waqtiga ka hadhay mudda kordhintii hore, isla markaana wuxuu sheegay in uu soo dhawaynayo haddii la kala diro golahooda wakiiladda ee hadda jira.
Xildhibaan oo warbaahinta la hadlay wuxuu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi; “Waxaanu u malaynaynaa in aanay is raaci Karin labada doorasho, markaa waxaanu door bidaynaa in taayada la horaysiiyo, oo Madaxweynaha laba sano loogu daro inta la samaynayo. Anagu muddo kordhin dooni mayno, waxaanu jecelahay in taayadda la soo horaysiiyo, anagu in badan baanu fadhinay, golahayaguna waa israacsanahay.” Xil. Nacnac oo la waydiiyay su’aal la xidhiidhay warar sheegayay in Madaxweynaha loo kordhinayo laba sano, wakiiladdana la kala dirayo, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “ Waxba kama qabno haddii loo kordhinayo, waxyaabo badan oo qabyo ah buu qabyo tirayaa, waddadii Ceerigaabo ayaad arkaysaa, tii Baligubadle ayaad arkaysaa, tii Berbera ayaad arkaysaa, biriijyadii buu dhisayaa, taa waanu u baahanahay, hanala kala diro, oo laba sano haloogu daro isaga. Waxyaabo badan baa ka qabyo ah, ninkanna laga maarmi maayo, markaa waxaanu leenahay labadaa sano waa loo baahan yahay in loo kordhiyo madaxweynaha.”