berberatoday.com
Odayaasha Waqooyiga Hargeysa Oo Wasiir Waran-cadde Ku Eedeeyey Abaabulka Isku-dhac Dhex-mara Beelo Muransan
July 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka tirsan Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Waqooyiga Hargeysa, ayaa ka digay in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde Sanaaduuq diiwaangelineed geeyo lix goobood oo ku yaalla deegaanka Waqooyiga Hargeysa oo Muran-beeleed muddo ka taagnaa.

Waxay Odayashan Dhaqanka ee hadlay sheegeen in lix goobood oo ka tirsan deegaannada Waqooyiga Hargeysa, hore aanay doorasho iyo diiwaangelini toona uga dhicin muranka Beeleed ee ka taagan awgii, horena loo weeraray goobo ay diiwaangelintu ka socotay horraantii sannadkan, dadkoodiina ay gobollada Saaxil iyo Awdal ka diiwaangeliyeen oo waxay uga baahan yihiin wakhtigan aanay jirin in Sanaaduuq la geeyo, kuwaasoo ay sheegeen inay sababi doonaan isku dhac Beeleed, Masuuliyadda waxa ka yimaaddana dowladda Somaliland qaadi doonto.

Xukuumadda Somaliland iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka midna ma sheegin Sanaadduuqdan ay Odayaasha Dhaqanku sheegeen in loo qaadayo goobaha lagu muransan yahay ee Waqooyiga Hargeysa, balse Odayaashan ayaa shaaciyey in Wasiirka arrimaha guduhu hawshaas ku hawlan yahay, dhibaatadeedana ay dowladdu Masuul ka tahay haddiiba ay kaga dhabayso inay dad iyo Sanaadduuq diiwanagelinta Cod-bixiyeyaasha ah ay halkaaas geyso.

Waxaannu Hadallada Odayaal-dhaqameedkaasi siiyeen Maanta Warbaahinta Hargeysa qaarkeed, digniinnta iyo dulucda Warkoodu xambaarsan yahay-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews