berberatoday.com
RAGGI SABABAY ISKU-DHACI DEEGAANKA SARAAR IYO SHIRKADDI GENEL OO MAANTANA SHAADH DAWLADEED USOO LABISTAY DAGAAL AY KU WAREEJIYAAN DEKADDA BERBERA
July 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

RAGGI SABABAY ISKU-DHACI DEEGAANKA SARAAR IYO SHIRKADDI GENEL OO MAANTANA SHAADH DAWLADEED USOO LABISTAY DAGAAL AY KU WAREEJIYAAN DEKADDA BERBERA

Hargeysa,(Berberatoday.com)-Sababihii sanadkii 2013 ay iskugu dhaceen dadweynaha ku nool gobolka Saraar iyo shirkaddi Genel Energy ee wasiirka Macdanta Somaliland kula heshiiyey inay shidaal ka baadho deegaankaasi, laftoodii ayaa maantana ka taagan gobolka Saaxil iyadoo dadka deegaankaasi iyo reer Somaliland intooda badani ay ka soo horjeedaan heshiis ay xukuumadda madaxweyene Siiraanyo dhawaan gashay oo ay gacan-ku-haynta dekadda Berbera ku wareejinayso shirkadda Dubai Ports World.

Heshiiskii shidaal sahaminta ee shirkadda Genel lala galay may jirin cid wax ka ogeyd oon aheyn wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo xubno ka tirsan qoyska madaxrtooyada oo uu horseed ka ahaa wiilka Baashe Cawil ee uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay.Shaqooyinkii ka soo baxay iyo qandaraasyadii maxaliga ahaa ee lagu bixiyey mashruucaasi Genel oo lagu kharash-gareeyey lacag aan ka yarayn $45 milyan waxa dhamaantood lagu qaybsaday hab qabyaaladeed iyo qaraabo kiil.

Hadaba sababta ugu weyn ee keentay isku-dhaci Genel iyo reer Saraar waxay aheyd iyadoo hawlihii shidaal sahaminta la iska bilaabay tii oo aan dadkii deegaanka waxba loo sheegin lagana talo galinin isla markaana laga qancinin waxay ku badalanayaan dhibaatada ku iman doonta deegaankooda ay xoolaha ku dhaqdaan ee nolashoodu ku dhisneyd qarniyada badan.Tixgalin la siiyo daayo dadkii deegaanku waxay xata waayeen cid masuul ah oo dawladda ka tirsan oo ay mashruucan loola yimid wax ka weydiiyaan.Run ahaanti wasiirka Macdanta iyo shakhsiyaad dhawr ah oo uu ka midyahay Baashe Cawil mooyaane, dawlad iyo shicibba may jirin cid kale oo mashruuca shidaal baadhista wax ka ogeyd.Xataa miisaaniyadii ay shirkadda Genel ugu talo-gashay in dadka lagu wacyi-galiyo ayaa la meelaystay.Markii dambena waxa soo baxay xogo lagu faafiyey wrbaahinta oo sheegayey in wasiirka Macdanta iyo Baashe Cawil ay sheer 25% ah ku leeyihiin mashruuca baadhista iyo soo saaridda shidaalka Saraar.

Markii in ka badan shan iyo toban kun oo geed la gooyey ee hawshii shidaal baadhista la iska bilowday iyadoon dadkii waxba loo sheegin waxay taasi keentay inay isku dhacaan dadkii iyo shirkadii Genel ee wax baadhaysay.Dadka reer Somaliland intooda badani waxay ku warheleen in mashruucaasi jiro oo ay u aheyd uun markii ay warbaahinta caalamku sheegtay in shirkad la yidhaahdo Genel oo shidaal ka baadhaysay Somaliland ay dalkaa ka baxday arimo nabadgelyo darro ah awgood.Dadkii reer Somaliland ee nabadda ku seexday ayaa waxa fajiciso iyo layaabka yaabkii ku noqotay nabadgelyo darada aan geyigooda ka jirin ee hadana lagu shaabadeeyey.Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan xukuumadda Siiraanyo oo lagala xisaabtamay sumcad xumadii ay dalka uu soo jiiday fadeexaddi mashruucii Genel ee ay jilayaasha uga mudakarsan ka ahaayeen wasiirka Macdanta iyo Baashe Cawil.

Hadaba nimankii shalay sababay in Genel dalka iskaga baxdo September 2013 oo aanay dib ugu soo noqonin ayaa maantana shirkadda DPW la soo galay heshiis aan shacbiga reer Somaliland waxba ka ogeyn oo DPW kula wareegayso gacan-ku-haynta dekadda Berbera.Shalay lama odhan reerbaa diidan in shidaalkii dalka loo soo saaro laakiin maanta xukuumaddi madaxweyne Siiraanyo waxay leedahay reerbaa hortaagan in dekaddi Berbera la maalgashado oo la horemariyo.Xaqiiqo ahaana nimanka sidaas ku tiraabaya waa niman isku reer ah oo shaadh dawladeed soo gashaday si ay dagaal ku meelmariyaan heshiiska DPW ee Baashe Cawil 14% ku leeyahay.

Source Haatuf

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews