Maanta oo kale (12kii Julaay 2012ka) waxa heshiis rasmi ah ku wada saxeexday Hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa Xisbiga UCID oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo garab ka tirsanaa Xisbigii UDUB oo uu hormood u ahaa aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
Qodobbada heshiiskaa waxa ka mid ahaa
1. In tirada Golaha Dhexe laga dhigo 251 qof, kuwaas oo 100 UCID ka imanayaan, 100na UDUB ka imanayaan, halka 51ka kale ay kayd noqonayaan
2. In garabka UDUB la siiyo xilal ay ka mid yihiin Murashaxa Madaxweyne (Jamaal Cali Xuseen) iyo ku-xigeenkiisa (kaddib markuu Jamaal hoggaanka Xisbiga la tashado) oo noqonaya murashixiinta rasmiga ah ee Xisbiga u tartamaysa doorashada Madaxtooyada ee soo socota haddii Alle idmo.
3. In guddoonka xisbigu ahaado sidii lagu doortay Shirweynihii UCID ee Jen/2011ka, marka laga reebo Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID iyo Af-hayeenka oo ka imanaya garabka UDUB ka yimi
4. In laga hawl-galo guddi qabanqaabo oo ka hawl-gasha qabashada Shirka Afraad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Shirweyne aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo heshiiskan
5. In xoghayeyaasha Xisbiga iyo jagooyinka kale loo qaybsado si siman
Heshiiskan waxa si rasmi ah u ogeysiiyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada siyaasadda iyo Xeeer-ilaalintaba Guddoomiye Faysal Cali Waraabe…
Faysal waxa uu hadal geliyay 1. Murashixiintii Madaxweyne 2. Tiradii Golaha Dhexe 3. Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad 4. Xoghayaha Guud 5. Af-hayeenkii Xisbiga 6. Xoghayeyaashii iyo jagooyinka kale. Haddii xaqu hiilin waayo, haddii waadka la fulin waayo, haddii la isku xad-gudbo… Ma filayo inay doorasho ka dhacayso Somaliland…. In ragga qaar UCID u hadhayaan qaarna la saarayo… In wanaag meesha sii jirayaba ilama aha….