berberatoday.com
In Madaxweyne Siilaanyo Marlabaad Laba Sanno Korarsado Xisbiga WADANI Muxu Ka Aaminsanyahay Iyo Xisbiga UCID-ba:
July 13, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
In Madaxweyne Siilaanyo Marlabaad Laba Sanno Korarsado Xisbiga WADANI Muxu Ka Aaminsanyahay Iyo Xisbiga UCID-ba:
Waxaa ayaamahan danbe soo baxay in uu jiro guux ku saabsan in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay doonayso in marlabaad loo sameeyo muddo kordhin sharci daro ah oo aan sababaysnayn sida Dastuurka Qaranka Somalilland Sheegayo.
Laba xildhibaan oo kala ah xildhibaan Xassan Cawaale iyo Xildhibaan Nac-Nac ayaa si cad warbaahinta uga sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Doonayso in muddo 2 sanno ah loo kordhiyo, waxa jirta sida aynu horayba u aragnay in marka Madaxtooyaddu ay doonayso wax sharci daro ah in ay soo mariso shaqsiyaad taageersan oo TV-yada la soo fadhiista wax Madaxtooyadda Looga Soo dhiibay. Labadan xildhibaana waxa la yidhi Shacabka sii makhashiiya kordhin baanu soo wadnaaye si ay hadhow ugu argagaxin.
Hadaba Dulucda qoraalkayga aan u soo noqdo, waxan jeclahay in aan ka yar faaloodo inta aan ka ogahay mowqifyada siyaasadeed ee Xisbiyadda Mucaaradka ee WADANI IYO UCID. Oo aan anigu shiqsiyan aan aaminsanahay in labadan xisbi lagu khasaaray kaalintoodii mucaaradnimana ay ka soo bixin, Madaxtooyaduna marba mid ay midka kale u adeegsato. Waa nasiib daro weyn arrintaasi.
Aan ku horeeyo Mowqifka Xisbiga Mucaaradka ee WADANI uu ka qabo in Madaxweyne Siilaanyo marlabaad loo kordhiyo 2 sanno oo sharci daro ah. Sida ay cadeeyeen masuuliyiinta sare ee Xisbiga WADANI , waxay cadeeyeen in ay arrintaa korarsiimada ka soo horjeedaan, waxa kale oo ay cadeeyeen in ay ka soo horjeedaan in labada doorasho la kala qaado. Sida aad la socotaan waxa ayaamo dhawayn bilaabmay dhaqdhaqaaq Madaxtooyadu kordhin ku doonayso oo ay ugu soo mar-marsootay in Doorashada Madaxtooyada iyo ta Baarlamaanka la kala qaado, oo ay doonayaan in Madaxtooyada dib loo dhigo Baarlamaankana la soo hormariyo. Si halkaa Madaxtooyada korarsi uga soo baxo.
Xisbiga UCID isna Mowqifkee buu ka taaganyahay in Madaxweyne Siilaanyo marlabaad 2 sanno oo xaaraan ah loo kordhiyo. Sida aan la socotaan Xisbiga UCID xaaladiisu ma quruxbadna wuxuna ku jiraaba Maxkamad, wuxuna u kala fadhiyaa Faysal Cali Waraabe iyo inyar oo lasocota iyo Aqlabiyaddii Xisbiga UCID oo meel ah, markaa Xisbiga UCID waa ku kala aragti duwan yahay arrinta kordhinta, Garabka Jamaal Cali Xuseen iyagu waxay aaminsanyihiin in kordhintu xaaraan tahay lagana horyimaado iyadoo la kaashanayo xisbiga mucaaradka ee WADANI. Lakiin Faysal Cali Waraabe iyo inta yar ee daba socotaa iyagu waxay qayb ka yihiin Shirqoolka Madaxtooyada lagu soo maleegay oo ah, si kordhin loo helo aan labada Doorasho kala qaadno, oo Doorashada Baarlamaanka aanu soo horaysiino, arrintaasoo Faysal Cali Waraabe aad ugu riyaaqay, sababtuna ay tahay, ninkan Faysal Cali Waraabe waa madax maray cuqdad iyo calool xumo siyaasadeed oo uu u hayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Cirro, waxyaabaha xataa kalifay in uu Xisbigiisii UCID u baabi’iyo waxa ka mid ah cuqdaada cirro yaanu wax noqonin.
Hadaba Su’aasha lays waydiinayaa waxa weeye muddo kordhintan marka labaad Siilaanyo doonayaa ma laga hortagi karaa mise lagama hortagi karo, waxaan jeclahay in aan maqaaladayda danbe aan ku cadeeyo wadooyinka looga hortagi karo iyo waxyaabaha u sahli karo in uu marlabaad muddo kordhin xaaraan ah samaysto Madaxweyne Siilaanyo.
Mr. Cabdiqaadir Mohamed (Cukaashe)
UK
COMMENTS
|