berberatoday.com
Khubaro soo Bandhigay Waxyaabo Rummaanku Dawo Ka Yahay
July 13, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Saynisyahanno u dhashay dalka Switzerland ee qaaradda Yurub, ayaa sheegay in khudaarta Rummaanka ay ka heleen dawo cusub oo faa’iido u ah muruqyada, iyagoo sheegay inuu xoojiyo, isla markanaa hayo awoodda muruqyada.
tufaax
Sida khubaradusheegeen geedkan oo caan ka ah dalalka Bariga Dhexe waxa midhaha rummaanku faa’iido badan u leeyahay caafimaadka bani’aadamka, iyagoo ku tijaabiyey dirxi iyo jiir, isla markaana ay ka heleen wax cajibi ah oo keenay in xayayaankan iyo jiirkuba awood cusub oo aad moodo mid hadda ay la dhasheen ka soo muuqatay.

Waxa kaloo ay saynisyahannadu xuseen in rummaanku yareeyo coodh-coodhka da’du ka soo saarto jidhka, qofka waayeelka ahna uu noqdo mid awoodda dhallinyarada yeesha, taasina ay u saamaxdo inuu noqdo qof madaxbannaan oo shaqaysan kara.

“Waxa aan aaminsanahay in cilmi-baadhistani tahay arrin cusub oo dad caafimaad darradu keento dawo ka noqon karta,” ayey yidhaahdeen dhakhaatiirtu.

Khubaradan waxa ay sheegeen in rummaanku uu awood dib-u-cusboonaysiin ah siiyo unugyada jidhka, gaar ahaan qaybta Mitojandariya (Mitochondria) oo inta badan masuul ka ah gabawga, balse geedkani hoos u dhigo, kana hortago in aanay muruqyada iyo awoodda qofka daciifin.

Inkastoo Alle go’aamiyo gabawga iyo cimri-dherarka, haddana waxa ay khubaradu ku doodeen in rumaanku qofka ka dhigayo qof da’yar oo awood badan, tijaabadoodana ay uga soo baxday faa’iidada ah in muruqyada iyo awoodda qofka uu u fiican yahay, waxayna ku doodeen oo kale in geedkii jannada lagaga soo saaray Nebi Aadem (NNKHA) uu yahay rummaanka oo lagu tilmaamay inuu yahay khudrada ugu da’da weyn caalamka.

“Waa walax aad u dhex-dhexaada oo faa’iido iyo saamayn awood badan ba qofka caafimaadkiisa ku yeelan karta,” ayuu yidhi Patrick Aebishcer oo ka mid ah khubarada daraasaddan sameeyey.

Sidoo kale, John Auwerz oo ka mid ah saynisyahannada arrintan baadhay, ayaa sheegay in geedka rummaanka ay ku jirto nafaqo aad u badan oo aan laga heli karin dawooyinka kale oo dhan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews