berberatoday.com
“Markii Uu Lahaa Maalin Ku Darsan Maayo Runtii Bay Ahayd Imikana Ma Rabo Siilaanyo..”Mujaahid Cali Guray
July 13, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha 3-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Gurray, ayaa carabka ku dhuftay innaanuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo doonayn wax mudo kordhin ah, balse dad kale ku qasbayaan innuu mar kale codsado in xilka loo kordhiyo.

Sidaa wuxuu ka sheegay mar uu shalay warbaahinta ugu waramayey magaalada Hargeysa.“Horta Madaxweyne doonaaya in muddo loo kordhiyaa ma jiro. Markii uu Baarlamaanka ka hor lahaa muddadii lay doortay maalin ku darsanmayo runtii bay aheyd immikana marabo Axmed Siilaanyo. Nimanka muddo kordhinta raba ee ay ka soo bilaabantay waa nimankan la yidhaahdo wakiilada ee 12 sannadood fadhiyey ee kursiga ku maaraystay, ku daxalaystay ee aanu ka baqayno in qaranku taytano ka qaado. Maanta nimanka sharaxan waxaynu ku doorano oo aan aheyn reer hebel ayaan ahey ma haystaan. Mid umadaa is badel iyo meesha uu u rarayo sharixikaraa kuma jiro. Runtii Wallaahey, anigu xitaa waan ka welwelsanahay mustaqbalka in is badel umadan badbaadin karaa inuu soo socdo.”ayuu yidhi Cali Gurray.

Cali Guray wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Anigu ma ihi mujaahid, idinka oo un baa iila baxay. Markii Hargeysa layga haystay ee aan ku dagalamayey gurigayga, carruurtayada, hooyada iyo hooyeeyinkeen markaa waan ahaa mujaahid. Aniga iyo kii siyaad Barre qoriga u sitay, waxaanu nahey laba muwaadin oo siman. Daahir Riyaale oo nabad sugidii Siyaad Barre ah ayaa noqday Madaxweyne, markaa waa maxay mujaahidnimadu. Walina waxaan leeyahay waar eryagaas dad badan ayaa cuqdad ka qaba ka daaya oo waliba aniga ha idhonina mujaahid Cali Guray.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews