berberatoday.com
Maxay Ka Sinaayeen Madaxweynayaashii Kala Ahaa Lincoln Iyo Kennedy Ee Dalka Mareykanka Soo Hogaamiyey Taariikh Layaab Leh (History Mystery )
July 13, 2016 - Written by Berbera Today

licolinNews York(Berberatoday.com)-Abraham Lincoln oo ahaa Madaxweynihii 16aad ee Maraykanka waxaa golaha umada loo doortay sanaddii 1846-kii.

John F. Kennedy oo isna ahaa Madaxweynihii 35aad ee Maraykanka waxaa golaha umada loo doortay sanaddii 1946-kii.

Abraham Lincoln waxaa madaxweynimada dalka Maraykanka loo doortay sanaddii 1860-kii.

John F. Kennedy waxaa madaxweynimada dalka Maraykanka loo doortay sanaddii 1960-kii.

Labada nin mudo boqol sanadood ah ayaa u dhaxeysay waxayna si cad u taageeri jireen xuquuqda binu’aadamka.
Labada Madaxweyne waxaa la toogtay maalin Jimce ah.
Labadaba waxaa laga toogtay Madaxa Intaas waxaa u sii dheer labada madaxweyne. Xogayihii madaxweyne Lincoln waxaa la oran jiray Kennedy.
Halka xogayihii madaxweyne Kennedy-na la oran jiray Lincoln.

Labadaba waxaa dilay rag kasoo jeeda koonfurta dalka Maraykanka.
Labadaba waxaa badalay niman reer koonfureeda oo magacyadoodu ahaayeen Johnson. Andrew Johnson, waxa uu badalay Lincoln, waxa uuna dhashay sanaddii 1808. Lyndon Johnson, waxaa uu badalay Kennedy, waxa uuna dhashay sanaddii 1908.

licolin

John Wilkes Booth, oo ahaa ninkii dilay madaxweyne Lincoln waxa uu dhashay sanaddii 1839. Halka Lee Harvey Oswald, oo isna ahaa ninkii dilaya Kennedy uu isna dhashay sanaddii 1939.

Labada nin ee dilay madaxweynayaasha waxay lahaayeen sadex magac oo layaqaanay. Sadexdooda magacna isu geynta xarfaha ay ka koobnaayeen midkiiba waxa ay noqonayaan 15 (Shan iyo Toban). Waxaa intaas kuu raacda…… Madaxweyne Lincoln waxaa lagu dhex dilay Tiyaatar magaciisa la oran jiray ‘Ford.’ Halka madaxweyne Kennedy lagu dhex dilay gaari la dhaho ‘ Lincoln ‘ oo ay sameyso shirkada ‘Ford.’

kennedy

Ninkii ku dilay madaxweyne Lincoln Theater-ka ama golaha madadaalada waxa uu cararay bakhaar oo isku qariyay.

Halka ninkii isna dilay madaxweyne Kennedy uu kasoo toogtay madaxweynaha Bakhaar una carar theater ama golaha madadaalada isagoo isku qarinya.

Booth iyo Oswald waxaa la khaarijiyay intaan maxkamad la horkeenin.
Kudarsoo… Isbuuc ka hor intaan la dilin madaxweyne Lincoln waxa uu joogay Monroe, oo ka tirsan gobolka Maryland.Halka todobaad ka hor intaan la dilin madaxweyne Kennedy uu isna la joogay gabar la oran jiray Marilyn Monroe.

 

Qalinkii: Cabdirisaaq Mohamed X. Cali

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews