berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Ka Rajo-dhigay Cod uu ka Helo Beesha Madaxweyne Siilaanyo, Kana Baqsaday Safarkii Sanaag Saylici-na u Diraya+ Gudoomiye Cirro oo ugu Awood Sheegtay Deegaanada Ceel Af-weyn, Gar-adag, Yufle Iyo Kuwo Kale
July 13, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) ayaa soo dhoweyn uu ka naxay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kala kulmay deeganaada Beesha Madaxweyne Siilaanyo degto ee gobollada Sanaag iyo Togdheer. Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo isaggu gelin horeba u baxay dahfurka bilwga Diiwaangelinta gobolka Sanaag ayaa sacdaal kusoo maray Degmooyinka Gar adag, Ceel-afweyn, Yufle iyo Tuulooyink kale oo ka Tirsan deegaanadaas.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Waftigiisa ayey dadweynaha deegaanadaasi usoo dhoweeyeyn si aan hore loo arag, isla markaana Caruur iyo Ciroola aan u kala hadhin soo dhoweynta waftiga uu horkacaayo Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro), waxana magaalo kasta kaga hor imanaayey Boqolaal iyo Kumanaan sita astaanta Xisbiga iyo Caleemo qoyan, waxana dadweynaha soo dhoweeyaasha ah ka muuqatay niyadsami iyo sidoo kale inay ku tashadeen doorkan inay yihiin Xisbiga Waddani, Waxanay ku qaabileen shucuur laga dheehanaayo inay la dhacsan yihiin Siyaasadda Xisbiga Waddani.

Haddaba shabakadda Warar ee Xogreebnews oo heshay Xogo la xidhiidha dareenka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo la xidhiidha muuqaaladdii soo dhoweynta ay deegaanadda Beesha Madaxweyne Siilaanyo degto uu kala Kulmay Xisbiga Waddani, ayaa sheegayaa inuu Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ka rajo dhigay Cod uu ka helo deegaanadda Barigga Burco iyo sidoo kale, deegaano badan oo hoosyimaada Gobolka Sanaag. Waxanay xoggahani tibaaxeen inuu Gudoomiye Muuse Biixi qorsheeyey inaanu isaggu tagin kana qaybgelin dahfurka Diiwaangelinta Codbixiyaha ee dhowaan ka bilaabmaysaa gobolka Sanaag. Isaggo ka cabsi qaba inaanay sida loo soo dhoweyey Gudoomiyaha Waddani oo kale loo qaabilin.

Waxana Wararku intaa ku dareen inuu Safarka Sanaag uu Gudoomiye Muuse u qorsheeyey Madaxweyne ku-xigeenka Somalilan oo ah Musharraxiisa Madaxweyne ku-xigeen ee doorashadda soo socotaa. Cabsida soo foodsaartay Muuse Biixi ee ka rajo-dhigista ku xisaabtanka Codka Beesha Madaxweyne Siilaanyo ayaa

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews