Taariikh Kooban: Marxuum Cabaas Idiris(John Drysdale) Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Hargeysa
July 13, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Allaha u naxariistee waxaa maanta Xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa lagu Aasay Cabaas Idiris oo markii hore la odhan jiray John Drysdale.
Marxuumka waxaa aaskiisa ka qaybgalay madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, xildhibaano ka socda baarlamaanka Somaliland, danjirrayaal iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Hargeysa.
Marxuum Cabaas Idiris, ayaa ahaa muwaadin Ingiriis, waxaana uu ka mid ahaa askartii Ingiriisku 1943kii usoo diray Somaliland si uu uga ilaaliyaan Gumeystihii Talyaaniga, Marxuum Cabaas markii Somaliland xornimada ka qaadatay Gumeystihii ingiriiska waxaa uu goostay inuu ku noolaada dhulka Somalida islamarkaana uu la shaqeeyo siyaasiyiintii wakhtigaasi ay is barteen wakhtigii Gumeystaha.