berberatoday.com
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland,Wasiiru Dawlaha Iyo Sadex Agaasme Waaxeed Oo Jabuuti Utagay Kireynta Garoonka Diyaaradaha Berbera Oo La Sheegay In Laga Kireynayo Shirkad Kasoo Jeeda Dalka Mareykanka Iyo Wadal Horle Oo Furmaya
July 13, 2016 - Written by Berbera Today

duulista2Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax Wasiiru-dawlaha Cabdi Nuur Faahiye iyo saddex agaasime waaxeed oo wasaaradiisa ah, ayaa safar ugu maqan dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, iyaggoo Halkaa kulan kula yeeshay Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Dalka Maraynkanka ee Saldhiga Jabuuti. Waxanu ujeedada kulankaasi daarana lagu sheegay sidii Ciidamada Dalka Maraynkanka looga Kireyn lahaa Garoonka Diyaaraddaha ee Berbera, kaasoo ay Dawladda Maraykanku Damacsan tahay inay ka dhigato Saldhigeeda Labaad ee geeska Africa.

Sidoo kale, Wararka u dhuundaloola ujeedada Safarka uu Wasiiraddu u joogo dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay inay Ciidamada Maraynkanka si weyn uga wada-hadleen dhaqaalaha lagaga kireynaayo Garoonka Diyaaradaha Berbera. Waxanay xoggihii u danbeeyey ee kulamadda laga helo ay sheegayaan in la isku afgartay, wallow aanay sheegin xogtaasi xaddiga Lacagta lagaga Kireynaayo Ciidamadda Maraynkanku inay Saldhigga labaad ee Geeska Africa ka dhiggato Garoonka Berbera.

Wasiirka oo ay wehelinayaan Agaasime waaxeedyadiisa qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Duulista ayaa saxeexay Heshiis hor-dhac ah, oo ku saabsan Garoonka Diyaaraddaha ee Berbera, isla markaana waxa si wadajir ah u saxeexay Saraakiil kamid ah Ciidamada Maraynkanka iyo Wasiir Cunar iyo Weliba Agaasimaha waaxda Duulimaadyada ee Wasaaradda oo Magaciisa lagu sheegay Saqiiro. Waxftiga uu hoggaaminayo Wasiirku ayaa la filayaa inay maalinta berry ah dalka dib-ugu soo laabtaan.

Hase-yeeshee Qorshahan Xukuumaddu doonayso inay Ku wareejiso Ciidamada Maraynkanka Garoonka Diyaaraddaha ee Berbera ayaa ah mid ay qorisay, balse muddo dheer ay socdeen wadahadalladiisu, iyaddoo marar badan oo hore ay dhinacyadani ka wada-xaajoodeen arrinta Kireynta Madaarka Berbera, waxana qorshahaa hore ugu jiray Wasiirka Madaxtooyadda oo isaggu ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista.

Xukuumadda Somaliland ayaa hadii ay ku guuleysato inay Dawladda Maraynkanka ka kireyso Madaarka Berbera waxa uu dhabar jab ku noqonayaa Shirkadda DP WORLD oo iyana ay Xukuumaddu damacsan tahay inay ku wareejiso Dekedda Berbera, isla markaana heshiiska ay la gashay ay kamid yihiin goobaha ay maamulayaan Dekedda ka sekow Madaarka Berbera iyo Haamaha Shidaalka ee Saaxil, waxanay noqonaysaa Khiyaamo hor leh oo ay Xukuumadu ku samaysay Shirkadda Dp World, taasoo heshiiska ka dhigeysaa inaanay Shirkaddu isku helayn Karin Xukuumadda.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews