Ciidammada Qaranka Oo Lagu Eedeeyay Inay U Daateen Guriga Uu Magaalada Ceerigaabo Ka Degay Wefti Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
July 14, 2016 - Written by Berbera Today
“Ciidan Koofiyad cas ah ayaa xoog noogu soo daatay oo leh Xoog kaga baxa, Kiradiiniina waxba kama jiraan oo lacag ka badan ayay dawladdu ku kireysanaysaaye…..” Xildhibaan Baar Siciid
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Ciidamada Qaranka Somaliland ee jooga Magaalada Ceerigaabo, ayaa lagu eedeeyay inay u daateen Guriga uu Weftigii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Hoggaaminayaa ka dageen Magaalada Ceerigaabo.
Xildhibaan Baar Siciid, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland isla-markaana ka mida Mudanayaasha Xisbiga WADDANI ugu jira GolahaWakiillada, ayaa Warbaahinta sheegtay in Ciidamada Qaranka Somaliland u soo u daateen Guriga loo kireeyay in Weftiga Guddoomiye Cirro ku dego.