berberatoday.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Wasiirka Ganacsiga U Magacaabo Cabdilahi Abokor, Doorka Muuse Biixi Iyo Dekedda , Daawo Xukunkii Ku Dhacay Iyo Weerarkii Arxan-daradda Ahaa Ee Guriigiisa, Caruurtiisa, Ooridiisa Isaggo Dhexjooga Lagu Qaaday
July 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirku-xigeenkii hore ee dhinaca amniga Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cabdilahi Abokor ayaa quud daraynaaya inuu mar kale qasriga madaxtooyaddu magacaabo Xil wasiirno weyd ah, kaasoo hindisaha lagu hor-dhigay Madaxtooyadda uu ka danbeeyo Gudoomiyaha Xisbul xaakimka kulmiye Muse Biixi Cabdi, iyadoo uu ka dhaadhiciyey in lagu maslaxo beesha Saaxil, maadaama oo la wareejinayo Dekedda berbera, sidaasi daradeedna in boos wasiirka Ganacsiga loo magacaabo Cabdilahi Abokor.

Haddaba, waa kuma Cabdilahi Abokor Cismaan?. Cabdilahi Abokor waa siyaasi ay maryo dhiig leh kala furteen Xukuumaddana Madaxweyne Siilaanyo oo uu hore uga mid ahaan jira. shabakadda Xogreebnews waxay Akhristayaasheeda usoo bandhigeysaa Muuqaal laga duubay Weerar arxan darro ah oo saq dhexe Ciidama RRU-du ku qaaday gurigiisa, iyaddoo uu isaga iyo ilaaladiisuna kala horyimeeden Rasaas oo ay ku difaaceen.
Waxana halka ka dhacay dagaal qadhaadh, kaasoo aakhirkiina Cabdilahi abokor lagu qabtay Xabsiga la dhigay, waxa kaloo, weerarkaas waxyeelo kasoo gaadhay Caruurta oyo Marwadda wasiirku Xigeenkii hore amniga Cabdilahi abokor. Sidoo kalena dhacdada waxa ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo taliska booliska kuwaasoo warbaahinta usoo bandhigay Hub waaweyn oo kala duwan oo uu Ciidamada kala horyimi Cabdilahi Abokor.
Xadhig dheer kaddib Maxkamadda dalka ayaa Cabdilahi Abokor ku xukuntay saddex sanadood oo xadhig ah, waxana ku dhacay Xukun ka mamnuucaya inuu qabto xil muddo ku sugan shan sanadood gudahood, dabayaaqadii 2015-kii ayuu madaxweyne siilaanyo kusoo daayey cafis Madaxweyne. Intii mudada ka danbeysay Cabdilahi Abokor waxa uu Xukuumadan siilaanyo u aqoonsanaa inay tahay mid ay maamulan kooxo xag jir ah.
Magacaabistan la filayo in Madaxweyne siilaanyo u magacaabo Wasiirka ganacsiga Cabdilahi abokor waxay tahay mid laba waji lagu raali-gelinaayo kuwaaso kala ah. Dejinta xiisadda Saaxil, iyo sidoo kale, u muraad qumintaa Gudoomiyaha Kulmiye oo ay Saaxiibo dhow yihion Cabdilahi Abokor.
Haddaba dadweynaha ayey u tala falanqeynta wixii ka dhiman.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Weerarkii Xukumada Siilanyo Ku Qaaday Guriga Cabdillahi Abokor Iyo Xaaskkisa oo Sharaxaysa Siday wax udhaceen Iyo Xukunkii Lagu Qaaday Cabdillahi abokor


Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews