berberatoday.com
“UK, Waxay Leedahay Afar Markab Oo Badda Hoosteeda Wareegaya, Mid Kastanna Waxa Uu Xambaarsan Yahay 48 Madax Oo Nuclear”
July 14, 2016 - Written by Berbera Today

“Reysal-wasaaraha Cusub ee UK, Waxaa Lagu Wareejinayaa Furayaasha Sirta Ee  Nuclear-ka Iyo Go’aanka U Dembeeya Ee Lagu Isticmaalayo”- Aqoonyahan Maxamed Haaruun BiixiCapture

“Theresa May, oo ahayd Wasiirka Daakhiliga ee UK lixdii sanadood ee laga soo gudbay, waxaa ay immika noqotay   Wasiirka Koobaad. Shaqo adag baa hor taala, waana shaqo ay ka cabsadeen qolyihii hogaaminaayay ololihii Midowga Yurub lagaga baxay. Theresa May waxa ay Soomaalida Reer-Briton ku xasuusanayaan, kuna qadariyaan, gacantii ay ku yeelatay ololihii joojinta jaadka ee UK. Prime Minister David ayaa boqoradda u tegay oo xilkii ka degaaya, ka dib na, boqoraddu Theresa ayaa ay ka dalban in ay dawlad soo dhisto.

Xilkii wadanka oo dhan ayaa lagu wareejinayaa Theresa, masuuliyadaha dusheeda la saaraayo na, waxa ka mid ah, macluumaadka iyo furayaasha sirta ah ee loo diyaariyay hawl-gelinta hubka Nuclear ka ah ee UK. Macluumaadkaas waxa loo dhiibaa Ra’iisul Wasaarayaasha oo keliya, iyaka ayaana iska leh go’aanka u dambeeya ee lagu isticmaalaayo. UK waxa ay leedahay afar markab oo kuwa hubkaas xambaara ah, mar kasta na mid ka mid ah ayaa badda hoosteeda wareegaaya oo shaqada ku jira. Maraakiibtan midkiiba waxa saaran ilaa 48 madax oo nuclear ah, kuwaas oo midkiiba uu tirtiri karo magaalo aad u balaadhan, iyo ilaa 16 gantaal oo kuwa Ballistic Missiles ka loo yaqaano ah. Prime Minister Theresa, kolka xilka loo tiriyo ba, waxa la kulmaaya taliyaha guud ee ciidamada UK, General Nick Houghton, waxa uuna uga waramayaa khasaaraha uu geysan karo hadii hubka nuclear ka ah la isticmaalo. Kolka ay xogtaas qadato, gacanteeda ayaa ay ku qoraysaa afartii warqadood ee yaabka lahaa, ee waxa ku qoran aanay cidina dhab ahaan u ogayn. Waraaqahan oo loo yaqaano kuwii kama dambaysta, (Letters of last resort), Ra’iisal wasaare kastaa marka uu xafiiska qabto waa uu qoraa, marka uu ka tago na waa la burburiyaa. Afartaas warqadood, oo ku kala socda hogaanka afarta markab ee nuclear ka xambaarsan, waxa loola jeedaa in lagu dhaqmo hadiiba ay dhacdo in caasimadda UK weerar nuclear oo kadis ahi ku dhaco, oo dawladda Number 10 Downing Streat fadhida gebi ahaanba la waayo. Peter Hennessy oo taariikhyahan ah, oo ka mid ah dad aan badnayn oo loo ogolaaday in ay wax ka qoraan maamulka nuclear ka ee UK, waxa uu qabaa in ay afartaas warqadood ku yaalin ereyo kooban, oo affar ah, kuwaas oo kala ah:

  1. Ku aar gooso hubka nuclear ka ah.
  2. Ha aar goosanin.
  3. Ku dhaqaan go’aankaaga shakhsiga ah.
  4. Hadii ay suurtowdo, hoos tag wadamada Australia amaba America, waa hadiiba ay dhaqanyihiin.

Mother Theresa hawl wayn baa u taala!

Goodluck

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews